Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dhacdo La Yaab Leh .. Madaxweyne Hilibkiisa Waslad Waslad Inta Loo Shiishay Dabadeed La Cunay

Tuesday - April 17, 2018


Rumayso ama ha rumaysan waxa ay tani ka mid tahay qisooyinka layaabka leh ee qaaradda Afrika soo martay kuwooda ugu layaabka badan ee la xiriira dhinaca siyaasadda. “Markii la diley Madaxweynihi hore ee wadanka  Liberiya ka bacdi, ayaa jirkiisii la muufeeyey oo waliba ay cuneen, waxba kagama tagin ilaa calooshiisa maahee .. Xitaa taliyihii Hogaaminaayey Afgambiga baa hilibkii madaxwaynaha saxan ku ritey oo cuney” sidaa waxa yiri Jackson Doe oo ay wada dhasheen Madaxweynihii hore ee waddanka Liberia Samuel Doe oo taariikhda la sheego in maydkiisa la solay inkasta oo aan la isku raacsanayn in la cunay hilibkiisa.

 Madaxweynihii hore ee macangaga ahaa ee dalka Liberia Samuel Doe waxa uu talada dalkiisa qabsadey isagoo laba xiddigle ah, wuxuuna afganbi dalka kagala wareegay madaxwaynihii xilligaas ee William R. Tolbert. Wuxuu ballan ku qaaday inuu dib usoo celin-doono sumcaddii dalka, kala danbayntii iyo dhaqaalihii. Wuxuu maxkamadda ciidanka saaray madaxwaynihii uu xilka kala wareegey, dhowr bilood kadibna wuxuu ku toogtey meel fagaare ah, isagoo danbigiisu ahaa musuq iyo xalaaleysi hantida ummadda.
Toban sanadood oo uu ku jirey raaxo iyo qasriyo aad u waaweyn, waxaa dalka la wareegey ciidamo mucaarad ah oo uu hoggaaminayey Taliye Charles Taylor. Markiiba waxay la wareegeen dalka badankiis, isagiina waxay kusoo dhigeen gacanta, waxayna kusoo eedeeyeen dil madaxwayne iyo lunsi hanti qaran. 9-kii September 1990-kii ayaa lasoo saaray talafeshinnada caalamka isagoo la dilayo, hadalkiisii ugu danbeeyeyna wuxuu ahaa " ii kaadiya, waxbaan idiin sheegayaa. ii kaadiya… ii kaadiya waxbaan idiin sheegayaa" balse cidina uma kaadine waa la dilay.

Waxaa maydkiisa la mariyey jidadka iyadoo jirkiisa ay ka maqnaayeen labada dhegood iyo far. Wixii intaa ka dambeeyeyna dib looma arag warbaahintana lagama soo dayn halka uu maydkiisu ku dambeeyey.
Dadka dalka Liberia illaa maanta waxay aaminsan yihiin, madaxwaynahaas la diley iney ciidanka mucaaradku jarjareen dabadeed dabka geliyeen ilaa uu ka bislaadey .. Taliye Charles Taylor ayaa la sheegay inuu amrey in la cuno isaguna bilaabey inuu maydkii cuno, ciidankiina dhammaan-tood sidaas ay ku dhammaysteen jirkii madaxwaynihii ee baruurta badnaa. Waa qiso argagax badan.
Magaca madaxwaynaha Samuel Doe Dhalasho ilaa dhimasho: 6-May-1951 ilaa 9-Sept-1990