Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Xabsi Qof Walba Oo Dambiile Ahi Ku Riyoodoo In Lagu Soo Xiro

Saturday - April 14, 2018


Inkasta oo ay jiraan xabsiyo badan oo taariikh-dooda laga war hayo aadna looga yaqaan dunida marka laga hadlayo dhibaatada ay leeyihiin ee ay maxaabiista lagu xiraa kala kulmaan ahna xabsiyo badan oo khatar ah waxa haddana dhinaca kale jira xabsiyo ay maxaabiistu ku riyoodaan in lagu xiro haddiiba ay xorriyadooda waayaan oo ay noqonayaan maxaabiis xabsiga la dhigayo waana ta keentay in xabsigan aan ka hadli doonaa uu ka mid noqday xabsiyada uu maxbuus kasta oo dambiile ahi jeclaan lahaa in uu wakhtigiisa maxbuusnimo ku qaato.

Dawladda Norway oo caan ku ah dalxiiska loogu tago dhulkeeda qurxoon doogga iyo amnigeeda laguna tiriyo mid kamid ah dawladaha ugu amniga badan dunida maanta ayaa waxaa la sheegay in uu ku yaallo xabsi loo yaqaan “Bastoy” oo lagu tilmaamo inuu yahay xabsiga dunida ugu raaxada badan qof kasta oo maxbuus ahina ku nafisi lahaa haddii uu loo diro.

Adigaaba yaabi doonee xabsigani ma Huteel noociisu yahay 5 Star baa?!!. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail, Xabsigan caanka ah ee Bastoy waxaa la aasaasay sannadkii 2009 kii kadib amar kasoo fulay wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda ee dalkaasi Norway iyadoo loogu tala galay in lagu xiro maxaabiista dambiyada waaweyn gala ee xukunnada dhaadheer lagu xiro sida kuwa gaysta falalka Dilka, Kufsiga, Tuuganimada iyo burcadka xukunkoodu noqonayo xabsi wakhti dheer ah si dhaqan celin loogu sameeyo ka hor inta aanay dibadda uga soo bixin xabsigaasi Bastoy oo loo aqoonsaday xabsiga dunida ugu raaxada badan ama ugu wanaagsan marka laga hadlayo tashiilaadka ama waxyaabaha adeegga ah ee xabsigaasi dhexdiisa laga helayo ee loogu tala galay qofka maxbuuska ah oo haddii aad aragto aanad marnaba is oranayn waa goob xabsi ah iyada oo aad kaliya u qaadan doonto uun in uu yahay Huteel weyn oo raaxo.

Xabsigan Bastoy loo yaqaano ayaa waxa uu ku yaallaa oo laga dhisay goob jasiirad ah oo dhinac walba biyuhu kaga hareeraysan yihiin lehna dhir badan oo aad u qurxoon isaga oo loo diyaariyey qaab aad u habaysan oo laga dhex sameeyey Qolalkii ay maxaabiistu seexanaysay, goobihii ay ku ciyaarayeen ee garoomada kala duwan ahaa, goobihii kale ee jir-dhiska ee ay ku jimicsanayeen iyo goobihii ay ku dabbaalanayeen oo ah berkado habaysan iyo waliba hoolal loogu soo jeediyo khudbado lagu wacyigelinayo oo xirfadooda lagu dhisayo gaar ahaan wacyi gelin la xiriira sidii ay uga soo noqon lahaayeen falalka dambi ee ay galeen bulshadana ugu noqon lahaayeen iyaga oo niyaddooda laga saaray dabciga xun.