Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Bishaar Asad Oo Raba Inu Dab Lugaha La Galo Sawaariikh Ku Garaaco Israaiil Iyo Butin Oo Sidi Dheri-Kara Qiiq Ka Baxaya Amar Ku Bixiyey In ...

Tuesday - April 10, 2018


Dimashaq- Wararka sirta hoose oo laga helaayo Dhinaca dawlada Siiriya oo soo xigatay Wargeyska Al-Majhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka Siiriya Bishaar Asad u soo gabagabeeyey hindisa ah in ciidamadiisa ay 15 Gantaal Noca aafada ah ee la yiraa (Scud Missile) lagu Garaaco caasimada Tel-Aviv si shacabka halkaa ku nool lagu midaamiyo Godadka laga galo Bumb Shelter, isla markaana Afar Gantaal oo kale looga nixiyo dhinaca Airboorka Bin Gooryoon, taaso sida ay sheegeen ay keeneyso in Airaboorka gabi ahaantiisba u xirmo, oo dabadeed halkaas ay israail caalaka intiisa kale ka noqoto go'doon amase isolated.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Butin oo markaan Ciil iyo Caro biirsaday awgeed jirkiisu ka dubaaxiyey maagi iyo gardaradi is yeel-yeelka ay israaiil ku soo gurguuratay Siiriya dabadeedna garaacday, ayaa suragal ah in hindisahaas ka yimi xaga taliska cidamada Siiriya ay u badnaan-doonto inu Butin aqbalo, waxaana la saadaalinaya in Gantaalada nooca 400- 600- 300 ay kaalin ka gali-doonaan daboolida Hawda Siiriya oo dhan.
Warar Kale oo iyaga dhinac socda ayaa sheegaya in beryaahaan dambe iyo sidi ay u dhacdayba duqeynti Airaborki cidamada siiriya, waxaa si is-daba jooga loo keenaya airaborka Xamiim ee Siiriya gantaalada  Lidka diyaaradaha oo Ay sidaan dayaaradaha loo yaqaan Antinof.