Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Guddigi Todobada Xildhibaan Oo La Kulmay Farmaajo Oo U Soo Jeediyey In Khilaafka Cakiran Lagu Qaras Bixin-karo Laba Arimood Midkood

Sunday - April 8, 2018

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan kullan maanta Villa Soomaaliya ku dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo  Guddiga wada xaajoodka ee Badbaado oo Markaan Matalaya Gudoomiye Jawaari.

Guddigaan oo Ka koobnaa Todoba Xildhibaan ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo, kuwaaso kulanka ku hor cadeeyey Madaxweyne Farmaajo in xalka lagu qaras bixi-karo laba arimood midkood oo hadaan midkood la qaadan aan xal la heli-karin.

Guddiga ayaa warkoodi ku soo koobay iney ka tanaasuleen qodobkii sharciga oo ahaa in waqtigi Mooshinka dhacay, balse ay hadda diyaar u yihiin in Cod la qaado .. Tan kowaadna, waxay soo jeediyeen in sida sharcigu qabo Cod Qarsoodi ah lagu kala Baxo .. Tan labaadna haddi heshiis la rabo waa in Kheyre meesha ka baxa oo sabab u ah buuqa dalka ka socda.

Madaxweyne Farmaajo oo isagu sida lagu xanto ah Nin argtida iyo xogta xaalada jirta ka aradan ayaa jawaabtiisi noqotay inu doonaayo iney is arkaan Jawaari, laakiin guddiga ayaa dhinacooda ka sheegay in Jawaari ay codsigaas u gudbinayaan, hasa yeeshe ogolka ay isaga jawaari ku xirantahay.

Guddiga ka socday dhinaca Jawaari ee la kulmay Madaxweyne Farmaajo waa:

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene

Xildhibaan Aamino Xasan

Xildhibaan Xasan Yare

Xildhibaan Cabdifitax Ismacil Dahir

Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh

Xildhibaan Ceeymoow