Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Niyadi Shacabka Somaliya Caawa Waa Meyd .. Jawaari: Waxaan Qaadan-Kariwaayey Adiga Ogolow Is Casilaad, Ana Waan Diiday Iyo Mucaaradka Oo

Tuesday - April 3, 2018


Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadaladii uu waday Madaxweynaha Somaliya.

Wuxuu sheegay Guddoomiye (Jawaari) in Madaxweynaha uu la kulmay isaga oo keliya, balse uusan kulan la yeelan xildhibaanada kale ee la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu gadaal ka riixayo, taasina ay keentay inuu burburo wada hadalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo balse uu iska diiday, uuna u sheegay inuu sharci ku yimid, sharcina ku baxayo, cida baxeysana ay tahay Xukuumadda.

Wuxuu sheegay (Jawaari) in berri xarunta Golaha Shacabka ay ku kulmi rabaan xildhibaanada Mooshinka wada, wuxuuna tilmaaamay in kulankaasi uu fasaxay Madaxweynaha oo uu sheegay inuu la saftay xildhibaanada Mooshinka wada.

“Xukuumadda ayaa ku haboon in is casisho, maxaa yeelay khilaaf ayay abuureen, xildhibaano ayay handadeen, waa arrin qariib ah, aniga sharci ayaan ku imid, shari ayaana ku tagayaa, Is casili maayo, Is casili maayo, Is casili maayo, mar walba waxay joogtaa (Jawaari) is casil.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacaba.
Ugu dambeyn (Jawaari) ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay inuusan masuul ka aheyn wixii berri dhaca, waxna laga weydiin doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,

Dhinaca Kale Warar lagu kalsoon-yahay ayaa sheegaya in magaalad Mogdisho ay gashay hub aruursi.