Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Boqortooyada Sacuudiga Oo Hoos Madooba-yaashi Xag Jirka Wahaabiyada Oo Macmacaanki Ka Goysay

Saturday - March 31, 2018


Aqoon Yahano Ku Caana ah taariikhda Wahaabiyadaoo faallo kooban ka bixiyey hadalkii uu dhawaan Warbaahinta Maraykan siiyey dhaxal-sugaha waddanka Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan Ala- Sacuud oo sheegay in Wahaabiyadu ahayd aragti dagaalkii labaad ee dunida la soo sameeyey oo ahaa mashruuc Ingiriis iyo Maraykan watay waxayna sheegeen in ay siyaasad ahaan dawladda Sucuudiga iyo Wadaadada Wahaabiyada loo yaqaano ay kala dhaqaaqi-doonaan taasina keenayso in ay geeska Afrika oo Somali ku jirto ay saamayn-toodu baabi’doonto. 

Sida Taariikh-yahanada Qoraal-kooda ku xusaan, Wahaabiyaddu inay ahayd mashruuc reer galbeed oo Maraykanka iyo Ingiriisku wateen wax muran ku jiray may ahayn. Markii ugu horeysay waxay qaateen markii ay ogaadeen saliidda ku jirta Saudi Arabia oo boqor Cabdicaziis bay u dhiibeen iyaguna ku taageereen ilaa dhulka hadda Saudi Arabia la yiraa oo dhan gacanta loo geliyay .. Xataa Haashimi-yiintii Xijaaz ka talinaysay waa kuwa u raray Urdun. Xiligii dagaalkii qaboobaa in wahaabiyadda lagu fidiyo dunida Islaamka iyaga ayaa ka dambeeyay si ay ugu horjoogsadaan is balaarinti shuuciyada.
 
Markaa fidinta wahaabiyaddu wuxu mar kasta ahaa mashruuc ay reer galbeedku, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska oo wadamada khaliijka ee hodonka ku ahaa saliidda ay ku ilaashadaan. Maanta waxa qiray ninka dhaxaltooyada Sucuudiga leh ee Maxamed bin Saleebaan. 
Markaa Shiico iyo Sunni wax ay ka midaysan yihiin dagaalka Wahaabiyiinta waayo wahaabiyaddu waa fikirka xambaara Mutadarif-nimada oo waxay ku eedeyaan in Iran iyo Shiicadu in ay yihiin kuwa Islaam-nimada ka soo horjeedda halka Suniga aan xag jirka ahayen  ay sawir foolxun u yeeleen takfiiriyiinta. 
Sida Xaalku u dhacayo waxaa muuqata wahaabiyaddana in laga tirtirayo caalamka islaamka sunniga ah
Taaso keeni karta in gacanta sare yeelato Shiicada oo ka Mutadarifsan Sunniga Takfiiriga .. Shiicada waxay leedahay hogaamiye Ruuxi ah oo marjac u ah .. Si kale haddi loo dhigo Shiicada Shiikh bey leedahay, sidu doono wax ugu fasira, laakiin Suniga Waa Bila Shiikh oo Marjac waxaa u ah Kitaabka Iyo Sunada

Soomaalida waxay isku haraami jirtay bilaa Sheekh baad tahay iyo waar sheekh ma leh kaasi waayo markoodii hore way lahaayeen Sheekhul dareeqo abtirsiin leh oo lilaahi ah ee aan siyaasad iyo danaysiyo gaar ah ka lahayn diinta. Sida hadda muuqata wadaadadii wahabiyiinta ahaa ee maalqabeenada noqday maxay sheegi haddi kuwii adeegsanayay ee soo tashkilin jiray haday leeyihiin amase qirayaan in wahabiyaduba ay ahayd mushruuc ay gaaladu u soo dhiibtay?

Si kastaba xaalku ha ahaade wahaabiyaddu inta ay sii riiqriiqi karta waa wax yar gaar ahaan Geeska Afrikana way ka zuulaysaa nin jecel iyo nin necebba.