Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dawlada Mareykanka Oo Dhambaal Dignin Ah U Dirtay Sadex Masuul Ee Ugu Sareysa Dawlada Somaliya

Thursday - March 29, 2018


Warar hoose oo la helay ayaa waxay sheegayaan in dowladda Maraykanka ay Amar degdeg ah kusoo rogtay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo sidoo kale guddoomiye Jawaari.

Ilo lagu kalsoon yahay,  kuna dhow safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in xalay warqad loo direy Saddex mas’uul, taasi oo isku si u qorneyd, shaqsi walbana mid gaar ah loo geeyay.

Warqaddan ayaa ugu horreyn waxaa walaac loogu muujiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku jiro iyo sidoo kale culeysyada ay dareemayaan dadka shacabka ah.

Maraykanka ayaa u sheegay madaxda DFS in aan loo dulqaadan karin is qabqabsigan aan natiijadiisu wanaagsaneyn, taasi oo uu ku sheegay iney hoos u dhigeyso nabadda iyo xasiloonida dalka.

Waxaa loo sheegay sidoo kale madaxda, in haddii buuqooda uu sii socdo in caalamka ka niyad jabayaan sii taageeridda Soomaaliya, lagana yaabo in isbedallo ku yimaadaan taageerada la siiyo DFS.

Dowladda Maraykanka ayaa ka dalbatay Madaxda DFS in sida ugu dhaqsiyaha badan ku xalliyaan khilaafkooda, si gaar ah madaxweynaha ayaa laga dalbaday inuu kala dhex galo Jawaari iyo Kheyre.

Beesha caalamka ayaa walaac horey uga soo saartay khilaafka siyaasadeed ee golaha shacabka iyo xukuumadda, balse ma muuqato waddo cad oo illaa iyo haatan loo qaaday xallinta arrintan.