Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Taariikhdi Sayid Qudub .. Aabihi Abuuray Gaaleysiinta Qof Muslinka Ah "Takfiirka"

Wednesday - March 21, 2018


Sayid Qudub wuxu ahaa aabihii abuuray fikirka TAKFIIRIGA AH, ee qarnigii 20aad, waana shiikha ay ka dab-qaataan kooxaha Takfiirka ama Khawaarijta casrigan. Sayid Qudub wuxu ku sheegay qoraaladiisa in shucuubta Muslimiintu ay ku sugan yihiin Jaahiliyo la mid ah midii ay carabtu ku sugneyd ka hor intaan la soo dirin Nabi Max’ed SWC, wuxuna sheegay in loo baahan yahay in shucuubta laga soo saaro jaahiliyadaas ama gaalnimadaas. Sayidku wuxu ku sheegay buugiisa Macaalim Fi-Dariiq in Ragga ka aadaama Masaajidda ay yihiin Gaalo, maadaama aysan garaneyn macnaha aadaanka ay ku dhawaaqayaan.

Wuxu kaloo ku shegay isla buugaas hadal ka yaabiyay culumada Islaamka oo uu ku yiri “Shucuubta Muslimiintu waxay ka dabar go’een aduunka qarniyo ka hor” Sayidku wuxu tusaale u soo qaatay in waqtigii Nabi Max’ed SWC marka ay Asxaabtu soo Muslimaan inay ka shalaayi jireen ficiladoodii waqtigii Jaahiliga, ayna ka fogaan jireen, qofkii dambi gala ama ku laabta Jaahiliya-daasna uu mar labaad isku daahirin jiray Quraanka. Waxana wax lala yaabo noqotay inuu jiray Saxaabi soo Muslimay hadana dib ugu laabtay Jaahiliyo iyo Gaalnimo.

Wuxu kaloo Sayid Qudub sheegay hadal haddii la saaro miisaanka uu isagu wax saaray kuna gaaleeyay Muslimiinta, isaga ka saari lahaa diinta, haddii aanan loogu cudur daarin jahli iwm. Wuxu yiri Sayidku “Colaada noo dhaxaysa anaga (Muslimiinta) iyo Yuhuuda, ma aha colaad diineed ee waa colaad dhul” oo macnaheedu yahay haddii ay Yuhuudu ka kacdo dhulka Falastiin, wax colaad ah oo noo dhexeyn lahaa ma jirteen.

Inta kor lagu sheegay oo dhan waxay noqonaysaa caano iyo nabad haddii la barbardhigo caqiidada iyo hadalada kale ee uu aamin sanaa Sayid Qudub .. Buugiisa Cadaala Al-Ijtimaaciya ee uu ku qoray Maraykanka sannadkii 1949, wuxu ku sheegay in “Nabi Muuse CS uu ahaa nin qabiiliiste ah” “Rajul Casabi” oo macnaheedu yahay inuu u hiiliyay Reer Bani Israa’iil uuna uga hiiliyay Reer Fircoon oo Masaari asala ah.
Wuxu kaloo Sayid Qudub meel ka dhac weyn ka qoray Saxaabada ay ka midka yihiin:
Cismaan Bin Cafaan, Mucaawiye Bin Abii Sufyaan iyo Camar Bin Caas

Sida la ogyahay Shiicadu waxay aaminsan yihiin in khilaafada Islaamka uu lahaa Cali Bin Abii Daalib, kadib markii uu dhintay Cumar Bin Khadaab, laakiin uu ka boobay kursiga Cismaan Bin Cafaan waa sida ay qabaane. Isagoo ka dab-qaadanaya fikirkaas wuxu Sayid Qudub qoray in Cismaan Bin Cafaan uu ahaa “Fitno umadda loo soo diray” Wuxuna ku tilmaamay Mucaawiye iyo Camar Bin Caas oo ka soo jeeday safka kale ee khilaafku kala dhexeeyay Cali Bin Abi Daalib, inay ahaayeen Rag la dhex wareegi jiray ciidanka Asxaabta “Laaluush” Qofkii raba wuxu ka daalacan karaa fikirka Sayid Qudub kutubtiisa aan kor kusoo sheegnay iyo kuwa kalaba.

Waxaana hubaal ah in ururada Islaamiga ah ee maanta jira ay si toos ah iyo si dadbanba uga biyo cabeen kutubka Sayid Qudub. Tusaale ahaan, ururka loo yaqaan Al-Takfiir wuxu si toos ah u aaminsan yahay in shucuubta Muslimiintu ay yihiin Gaalo maadaama ay ku raali noqdeen inuu xukumo madaxweyne aan ku dhaqmin Shareecada Islaamka, sidaas darteedna aan la cuni karin xoolaha ay gowracaan ee lagu gado kawaanada, isla markaana aan lagu daba tukan karin Iimaamyada masaajidda Muslimiinta ka tujiya, maadaama aysan aqoon macnaha saxda ah ee aadaanka iyo Faataxada.

Sidaas darteedna aan lagu duugi karin qabuuraha Muslimiinta, ayna ka furanto ragaas dumarka ay qabaan. Waxay kasoo reebaan qofkii la aamina fikirkaas ee iyaga ka mid ah in la cuni karo xoolaha uu gowraco, laguna daba tukan karo. Dhanka kale ururada intoodaba badan waxa manhajka kutubtooda la aqriyo ka mid ah Macaalim Fi Dariiq, Fii Dilaal Al Qur’aan iyo kutubta kale ee Sayid Qudub. Waxaanan hubaa anigu shaqsiyan indhahaygana aan ku arkay in loo aqrin jiray kutubtaas xubnaha ururada Al-Itixaad iyo Wuxdada oo ka dhisnaan jirtay Soomaliya, markii dambana ku midoobay magaca Al-Itixaad.

Sidoo kale ururka Al-Islaax ee ka dhisan Soomaaliya wuxu si toos ah ugu xiran yahay Ikhwaan Muslimiin oo uu u matalo Soomaaliya, manhajka kutubtoodana waxa ka mid ah kutubta Sayid Khudub, inkastoo Al-Islaaxu ay u janjeeraan dhanka qunyar-socodka Akhwaanka oo ay iska ilaaliyaan inay gaalaysiiyaan shucuubta Muslimiinta. Natiijadii kutubtaas iyo ardaydii kasoo aflaxday barashada kutubtaasna waxay maanta ka muuqdaan wadooyinka magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaliya, ee lagu qarxiyo laguna gowraco Muslimiin la gaalaysiiyay oo aan waxba galabsan.

Dilki Sayyid Qudb:
Sayid Qudub waxa la saaray maxkamad, qodobadii lagu eedeeyay intooda badana waxa laga soo qaatay kitaabkiisa "Macaalim Fi-Dariiq", laakin sidii uu u qoray ayuu u difaacay, gunaanadkii maxkamaduna wuxu noqday in lagu xukumay dil isaga iyo lix nin oo kale. 29 Agoosto 1966 ayuu dhintay Sayid Qudub kadib markii la daldalay. Waxaa la sheegaa in markii la surayay xariga uu askarigii waday u qabtay Towxiidka, uuna Sayidku ugu jawaabay kalimadaas macnaheeda saxda ah ayaa la igu dilayaa, adiguna waxad rabtaa inaad aniga hada i barto.