Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Canshuurti Lagu Kordhiyey Shacabka Oo Lagu Cunay Hotel SYL .. Xildhibaano Gar Eex Ku Wada Jawaari Oo Dhoolatus Ka Sameeyey Mogdisho

Monday - March 19, 2018


Sida ay xaqiijiyeen illo ka madax banaan dhinacyada isku hayo Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ilaa 196 xildhibaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL .

Xildhibaanada kulankaan yeeshay oo la sheegay iney dhammaantood yihiin kuwa ka soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka uu Guddoonka Baarlamaanka ku aqbalay in cod la geliyo mooshinka laga soo gudbiyey.

Xildhibaanada kulanka yeeshay oo ay horbodayaan wasiirada xildhibaanada ah ayaa si cad u sheegay inuu Jawaari ku xad gudbay Dastuurka dalka isla markaasna u sidaas ku sii ahaan doonin Guddoomiye.

Waxay sheegeen inay isku kalsoon yihiin isla markaasna ay ku qanacsan yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Wasiirada laga dhex arkay kulanka, waxaa ka mida
1) Wasiirka Maaliyadda

2) Wasiirka Amniga

3) Wasiirka Dhallinyarada iyo isbooriska

4) Wasiirka Gaashaandhiga

5) Wasiirka Ganacsiga

6) Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta

7) Wasiirka Xanaanada Xoolaha

8) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

9) iyo dhawr wasiir ku xigeeno