Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Jawaari Oo U Kulul In Mooshin Laga Keeno .. Dawladi Kheyre Oo Ku Birin-Birqeyneysa Dalka Iyo Farmaajo Oo Sidi Xuunshada Wax U Garta

Sunday - March 18, 2018


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa sida la sheego isago la damacsan inu Jar U Dago R/W Kheyre ayuu aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo isla markaa sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaafkii mooshinka ka dhashay, mar haddii mooshinka la aqbalay, loona baahan yahay in si waafaqsan xeer hoosaadka loo qaado, lana horgeeyo Baarlamaanka .. wuxuu yiri cod ayaan ku imid oo xilka baarlamaanka ku hayey, haddi aan baxayana Cod ayaan ku baxaya.
Jawaari ayaa codsaday 10 cisho gudahaaod mooshinka la horgeyo golaha Shacabka oo ay codeyaan oo haddi waqtigaas mooshinka la keeni waayo u sharci ahaan mooshinkaas buraayo

Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah.

Dhinaca kale wararka ka iimaanaya xaga bulshada somaalida ee daafaha caalamka jooga ayaa dhalil u jeedinaaya R/W Kheyre iyo dawladiisa oo ay ku tilmaameen mid birin-birqeyneysa oo muruqyada iyo margiyada is gooneysa, sido kale waxay madaxweyne Farmaajo ku sifeeyeen garashadiisu iney tahay nooca Xuunshada wax ku fahamto 
Xuunshaa Tiri: Waxaan wax ku garta ama fahma "Marka dhagax ii dhaafo, midna agteyda ku dhaco, midna igu habsado ee aan ku Ganac Go'o