Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Gabadha U Sodoga U Yahay Trump Oo Khaati Ka Taagan Ninkeeda Ina Trump Dalbatayna In La Furo

Saturday - March 17, 2018


Gabadha Vanessa Trump ayaa shan carruur ah u haysa wiilka madaxweynaha, waxayna wada joogeen illaa sanadkii 2005-tii.

Trump Jr ayaa kaalin mug leh ka qaatay ololihii doorashada madaxtinimada Aabihiis, balse markii la doortay aabihiis waxa uu ku haray magaalada New York, halkaas oo uu kala wado ganacsiga aabihiis.

Sida ay qoreyso warbaahinta Maraykanka,  VanessaTrump ayaa dacwad ka furatay maxkamadda New York, waxayna dalbanaysaa in la furo si shuruud la’aan ah.

Wiilka Trump ayaa ka mid ah dadka baaritaanka lagu hayo , kaas oo ku saabsan fadeexada farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka 2016-kii.

Wargeyka New York Post ayaa soo daabacay warqad ay soo wada qoreen lammaanahan, waxayna ku sheegeen in kadib 12 sano oo ay wada joogeen, ay hadda doonayaan in ay kala tagaan.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in reerkan ay ka dhex jirtay dhibaato ku saabsan safarada badan ee Trump Jr. iyo sida uu u jecelyahay isticmaalka baraha bulshada.

Bishii hore, Vanessa iyo hooyadeed ayaa isbitaal loola cararay, kadib markii ay fureen warqad ku socotay ninkeeda oo laga heley waxlo daqiiq ah oo aanan la ogeyn waxa ay yihiin.