Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Diidan Xeerkii Dalka Looga Mamnuucay DP-World

Wednesday - March 14, 2018


Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan Xeerkii uu maalin ka hor ansixiyay Golaha Shacabka, kaasoo dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World iyo arrinta Heshiiska muranka badan dhaliyay ee Dekeda Berbera.

Dooda Kulul ee Xildhibaanada Aqalka sare ayaa saacado badan socota, waxaana kulanka oo lagu waday in doodiisa la soo gunaanado ka hor salaada duhur uu hada u muuqdaa mid sii dheeraanaya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa qaarkood qaba in xeerkan dib loogu celiyo Golaha Shacabka, isla markaana Xukuumadda lagala tashado, sidoo kale waxaa ay qaarkood ay tilmaameen in eedeynta Imaaraadka Carabta meel la iska dhigo, balse faragelinta Itoobiya ay tahay mid taagan.

Sidoo kale Xildhibaanada kale ayaa iyana qaba in Xeerkan la meel mariyo si la mid ah Golaha Shacabka, isla markaana Madaxweynaha loo gudbiyo si uu u saxiixo waxaana marka ay soo gaba gabowdo dooda cod loo qaadi doonaa labada Aragti ee iska soo horjeeda.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Xildhibaanada Aqalka sare loo qeybiyay xeerkii ay maalin ka hor ansixiyeen Xildhibaanada Golaha shacabka, iyagoo muddo 24 saac ku soo akhristay, saakayna dib isugu soo laabtay si ay uga doodaan.