Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Mucjisada Dunida: Daraasad Lagu Igaaday Sababta Balanbaalista Cuntadeeda Ugu Muhimsan U Tahay ILmada Yaxaaska

Monday - March 12, 2018


Khubarada Cilmiga xayawaanka gaar ahaan kuwa ka hawl gala Jaamacad ku taalla waddanka Maraykanka ayaa dhawaan so af-jaray Cilmi baaris socotay muddo dhawr iyo toban sano ah oo wax lagaga ogaanaayey sababta ay Balanbaalistu inta badan u jeceshahay in ay dhuuqdo ilmada Yaxaaska.

Yaxaaska oo sida aan ognahay inta badan lagu yaqaano in uu ilmo dhaadheer sii daayo mar kasta oo uu ku nasanayo webiga ama harada jiinkeeda ama dhinaceeda soomaaliduna qofka khiyaamo isla gaabinaya ugu yeeraan in uu daadinayo ilmada yaxaaska ayaa waxa la aqoonsaday in Ilmadaasi Yaxaasku sii daayo sida qaalibka ah ee lagu yaqaanaa ay tahay nooca cunto ee ay ugu jeceshahay Balanbaalistu noocyadeeda kala duwani gaar ahaan Balanbaalisaha ku nool webiyada hareerahooda.

Khabiir u hadlay kooxdan Cilmi baarayaasha ah ayaa wargeyska New Yorl Times u sheegay in ay dhawaan natiijadii Cilmi baaris-tooda ku ogaadeen in arrin aad caajib u noqday, oo lagu sheegay in ilmada yaxaasku ay raashin u tahay Balanbaalista, waliba Raashin kali ah maahe ay u tahay cunto caafimaad oo aad u heer sarraysa. 
Khubaradani waxa ay caddeeyeen in laga ogaaday in Balanbaalistu ay ka hesho ilamadaasi Yaxaaska nafaqooyin kala duwan oo cusbo iyo macdano kale ah sidan Cusbada Sodium iyo macdano kale oo farabadan. Kuwaasi oo waxtar weyn oo caafimaad u leh Balanbaalista.

Andrew Johnson oo ka mid ah machadka caafimaadka xayawaannada gaar ahaan baalalayda ayaa waxa uu sheegay in ay Cilmi baaristoodan casriga ah ku ogaadeen inay Balanbaalistu qaadashada ilmada Yaxaaska ee ay jeceshahay ay uga gol leedahay oo ay u adeegsato sidii ay beed ama Ukun fara badan oo caafimaad leh u dhali lahayd, taasoo la ogaaday in macdanaha ay ka hesho ilmada yaxaaska ay u keento in beedka ay dhashaa uu noqdo mid caafimaad qaba oo ay ka soo baxaan balanbaaliso yaryar oo caafimaad qabaa maadaama baaritaankan lagu ogaaday in qaybo badan oo macdanaha ay ilmada ka hesho ahi ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka taratnka iyo waliba guud ahaan caafimaadka balanbaalista waana arrin Mucjiso ah oo rabbaani ah.

Sidan ayay meertada Deegaanka ee noolaha isugu xiran tahay oo xayaawanadu ay u kala faa’iidaystaan iyagoo aadamuhuna ka faa’iidaysto dhamaantood waana arrin dabiici ah oo Rabbi SWT ugu talo galay in sidan faa’iido la isugu qabo ama deegaanku isugu xiran yahay. Waxaana xusid mudan in balanbaalistu ka mid tahay cayayaanka quruxda badan.