Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ururka Jaamacada Carabta Oo Mawqif Mideysan Ka Qaatay Dacwadi Heshiiska Sadex Geesoodka Ee DP-World Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabta

Friday - March 9, 2018


Qaahira- Shirkii wasiirada arimaha dibadda ee jaamacada carabta oo lagu soo gaba-gabeyay Dalka Masar ayaa qodobada looga hadlay waxa ka mid ahaa dacwad soomalaiya ay ka gudbisay hay’ada DP-World ee laga leeyahay Dalka imaaraadka Carabta.

Shirka oo lagu falaanqeeyey dacwada ka timi dawlada Somaliya ayaa lagu taageray madax banaanida soomaaliya iyo xaduudaheda xag biri iyo bad iyo gaar ahaan hawadeeda, waxana si gaara looga soo horjestay heshiiskii sadex geesodka ahaa ee Somaliland, Dp-world iyo itoobiya ee dekada Berbara, heshiiskaaso aan dawlada somaliya lagala tashan.

Warar kale oo goaamadaas dhinac socda ayaa tilmaamaya in in madaxda carabta ay si gaara ula xariireen masuullinta abudabi oo ay kaga codsanayaan in la dhawro midnimada somaaliya taaso muqadas ku ah aragtida iyo siyaasada Carabta iyo guud ahaan dalalka Musllinka.