Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dawladaha Turkiga, Qadar Iyo Jabuuti Oo Ku Cadaadinaaya Madaxweyne Farmaajo Inu Eryo Safiirka Itobiya Iyo Imaaraadka

Thursday - March 8, 2018


Kulamo albaabadu u xirnaayeen shalay illaa habeen hore ayaa ka socday aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho taasi oo xildhibaano iyo jihooyin kale oo ay dabada ka riixayaan dalalka Jabuuti, Turkiga iyo Qadar ay xukuumadda Farmaajo cadaadis ku saarayaan sidii ay go’aan uga qaadan lahayd heshiiskii dhawaan Imaaraadka ku dhex maray dalalka Itoobiya, Imaaraadka iyo Somaliland ee saami qaybsiga maal-gashiga Dekedda Berbera waxaana kulamadii shalay la iskula qaatay go’aamo halis weyn galin kara xukuumadd

Warar ay heleen shalay duhurnimadii warbaahinta Muqdisho gaar ahaan Idaacadda Radio Kulmiye ayaa waxa ay sheegayaan in talooyinka la soo jeediyey ee kulamadaasi ay ka mid ahaayeen in madaxda somaliya ay eriso Safiirrada Imaaraadka iyo Itoobiya isaga oo ka jawaabaya fara-galinta dalalkaasi ku sameeyeen arrimaha midnimada somaliya
Warbixin arrinkan khuseeya oo ay shalay duhurnimadii sii daysay Idaacadda Kulmiye oo si weyn looga dhagaysto Muqdisho iyo nawaaxigaada ayaa waxa ay warbixinteeda ku tiri sidan: “Saraakiil ka tirsan aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyey in kulamo saacadihii la soo dhaafay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya looga arrinsanayay jawaabta ay xukuumadda Khayre ka bixin doonto weerarka siyaasadeed ee lagu soo qaaday Soomaaliya.

 Xubno ka mid ah madaxdii kulankaasi ka qayb gashay ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in la isla soo qaaday qodobo muhiim ah oo la xiriira sidii looga fal celin lahaa fara galinta Imaaraadka ee Arrimaha Soomaaliya. Saraakiishaasi waxa ay sheegeen in qodobada la isla soo qaaday ee aan wali la isku raacin ay ka mid yihiin in la cayriyo safiirrada Imaaraadka iyo Itoobiya ee Soomaliya jooga iyo in xiriirka loo jaro dalka Imaaraadka carabta. 
Qodobka saddexaad oo ah in dacwad caalami ah oo ka dhan ah heshiiska Dekedda Berbara loo gudbiyo IGAD, Midawga Afrika, Jaaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay. Saraakiishaasi waxa ay sheegeen oo kale in dalalka Jabuuti, Qadar iyo Turkigu ayaa dabada ka riixayaan in dawladdu ay qaadato go’aan adag oo jawaab u noqon kara fara-galinta Imaaraadka Carabta. Sidoo kale wararka  la helnay ayaa sheegaya in khubaro caalami ahi ay ka qayb qaadanayaan arrimo sharci oo lagu wajahayo arrinkaasi.