Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Gabadhi Hargeysa Ku Xirneyd Ee Dareentay Quruxda Wadaninimada Oo Xeer ilaaliye Ku Soo Oogay Sideed Sano Oo Xabsi Ah

Tuesday - March 6, 2018


Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Somaliland wuxuu dacwad ku soo oogay Naciima Axmed Ibraahim oo laga xiray 27kii January 2018 gegida diyaaradaha ee Cigaaal iyada oo u sii socotay magaalada Muqdisho.

Sida ku qoran eedda u soo gudbiyey xeer ilaalinta, waxaay la xiriiraa qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook, qoraalkaasi oo u sheegay xeer ilaaliyaha inu wiiqayo jirtaanka Qaranka JSL, midnimadiisa iyo wada jirkiisa

Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay "Cay iyo Ceebayn ay u gaysatay Qaranka JSL" ..  sida ku qaran xaashida eedda Hadii lagu helo Naciima qodobadaas, waxaay wajihi kartaa in ka badan sideed sanadood oo xadhig ah.

Xarunta Xuquqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Somaliland inay la noqoto eedaha ay ku soo oogtay Naciima islamarkaana ay xoriyadeeda u soo celis Naciima Axmed.