Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Somaliya Oo Markale Kaalinta Kowaad Ka Gashay Dunida Xaga Musuq-Maasuqa

Thursday - Feb 22, 2018


Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso hay’ad la dagaallanta Musuq maasuqa.

Transparency International waxay Warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in wali Soomaaliya ay kaalinta Koowaad ay kaga jirto dalalka ugu Musuqmaasuqa badan Caalamka.

Liiska ay hay’addu soo saartay ee dalalka ugu musuqa badan dunida waxaa kaalinta 1aad kaga jira Soomaaliya. Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa.

Hay’adda Transparency International, ayaa baahisay warbixinteeda sanadlaha ah, ayada oo isku halleeneysa wax ay ugu yeertay fikradaha khuburo ka kala socda adduunka oo cabiray heerka musuq maasuqa ee qeybta dhaqaalaha ay dowladaha maamulaan.

Dalalka ayaa lagu cabiray dhibco u dhaxeeya 1 illaa 100, ayada oo dhibcaha yar ay la macno yihiin musuq maasuq badan.

Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay , waxaana la siiyay dhibco dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Suudaanta Koonfureed.

Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 89 helay dalka New Zealand, halka Finland iyo Denmark ay heleen 88 iyo 85 , kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar yahay.

Dalka Mareykanka ayaa warbixinta ay siisay 75 dhibcood.