Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

War Xuuraan U Baahan In Xaqiiqadiisa La Sii Hubiyo

Sunday - June 1, 2008

Jabuuti: Caasimada Jabuuti waxa ka soo yeeraya warar kala duwan oo hor dhac u ah shirka dhex maraya labada dhinac ee Mucaaradka iyo Dawladda, waxayna dadka qaarkiis oo u dhundaloola shirkaas ay carabka ku dhufanayaan in nuqulka qodobada shirka iyagoo diyaarsan labada dhinacba ay horay u akhristeen, kadibna mabda' ahaana isku raaceen, isla markaana ku heshiiyeen in shirka gunaanadkiisa dambe lagu kala saxiixdo magalada Maka ee dalka sacuudiga, waxayna kooxda fikirkaas qabta ra'yigooda ku saleeynayaan oo ay leeyihiin haddi xubnaha golaha amniga ayen wax dhab ah ogeyn shirka kama ay soo qayb galeen waqtina kuma lumiyeen,waxay kalo aragtidooda ku fariisiyeen shariifyada oo ogsoon in haddi ay heshiiska diidaan ay ka cabsi qabaan in awooda xubnaha golaha amaanka oo goob joog ka ah shirka furmaya ay dacwad lidi ku ah ku soo Oogi doonaan.