Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Wiil Aljeeriyaan Ah Oo Xubintiisi Raganimada Gawrac Ugu Jiiday Sabab Mudnaan Gabdho

Tuesday - April 22, 2008

Aljeer : Wiil u dhashay dalka aljeerya oo 23 jir ah ayaa ku talaabsaday inu guskiisa gawrac ugu jiido kadib markii dhaw jeer shaqo u ka raadsaday dawlada ku soo hungoobay , dabadeed u ga’aansaday inu xubinta raganimada jirkiisa isaga gooyo sakiin xiireysa.

 

Wiilkaas oo dhiig bax ku yimid meel ka fog caasimadana deganaa isagoo dhaawc culus ah ayaa deg deg loogu soo qaaday isbitaal ku yiilay caasimada Aljeer, halkaaso takhaatiirto illa xad ku guuleysatay iney badbaadiyaan, xaaladiisuna hadda waa dagantahay oo waa ka baxday khatarti.

 

Boliska oo baarayey sababta wiilkaas ku kaliftay inu xubintiisa gaarka ah iska jaro, waxaa ay sheegeen inu ka carooday gabdhaha oo markasta dawladu shaqada u tixgaliso oo isaga laga tagay, waxuuna carabka ku dhuftay inu marar badan soo doontay shaqada boliska iyo nabadsugida, hasa ahaate gabdhaha ayaa il gaar ah lagu xushay, sidaa darteedna wiilkaas waa sida u sheegaye waxuu istusaaleeyey in raganimada aysan ahayn mid wax lagu helayo oo dawlada aljeer ay dumarku ka fadilaan raga.

 

Waalidka wiilka dhalay oo booqasho ku soo gaaray isbitaalka u jiifo wiilkiisa ayaa yiri falkaan  oo kale weligey ma maqlin waana wax lala yaabo, hasa ahaate waxuu Eeda dusha uga tuuray maamulka dawlada oo aan ka fiirsan cadaalad darada maalin kasta ka socta dalka waxuuna sii tilmaamay dhibka wiilka ku dhacay iney ka tarjumeyso baaxda dadku ay quus yihiin.

 

                                                                    Galdogob Times News Desk