Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Madaxweyne Trump Oo Dhaqan Fara-xumeyn Iyo Burcadnimo Aad U Liita Kula Kacay Gabar Fadhiday Soo Dhaweynta Hore Ee Xafiiskiisa

Wednesday - Feb 21, 2018


Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa talaadii shalay beeniyay warar sheegaya inuu fara xumeeyay Gabadhii hore fariisan-jirtay ee qeybta soo dhaweynta xafiiskiisa.
Waxaa lagu edeeyay inuu si khasab ah shumis ugu sameeyay gabadhan xili ay wada saarnaayen Wiishka  dabaqa Trump Tower, waxaana uu yiri “Tani waa dacaayad kale".

Gabadha uu ku xad gudbay Trump oo ah 22 jir ka dhaweyneysay qeybta soo dhaweynta  Trump Tower, ayaa sheegtay in iyadoo taagan banaanka Wiisha uu gacanta kusoo dhagay Hogaamiyaha Mareykanka kadibna uu si khasab ah kusoo geliyay gudaha.

"Waxaa uu bilaabay inuu I shumiyo, waliba garbaha" Wargeyska Washintong Post ayaa sidaas kasoo xigtay gabdha.
"Intii uu xad gudubka waday waa uu ila hadlayay, isagoo I weydiinaya halka aan ka imid iyo hadi aan doonayay inaan noqdo gabar Moodal ah, kadibna waxaa uu bilaabay inuu bishimaha iga shumiyo.”

Gabadho waxay sheegtay in ugu yaraan labo daqiiqo ay qaadatay xad gudubka Donald Trump uu kula kacay.
Trump ayaase si deg deg ah arintaas uga soo jawaabay waxaana uu bogiisa Twitterka ku yiri, "Haweeney aanan garaneyn, oo aanan waligey la kulmin ayaa Bogga Hore loogu soo qoray War been ah wargeyska   Washington Post iyagoo dhahaya waa uu i shimiyay iyada mudo labo daqiiqo ah Wiisha dhismaha Trump Tower 12 sano kahor. Waligeed ma aysan dhicin!

19 Haween ah ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu ku sameeyay xad gudub mudadii uu ganacsada ahaa waxaase uu dhamaantood ku sheegay kuwa been abuur ah.