Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Taliyaha Xooga Dalka General Gorod Iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdi Saciid Muuse Oo Isku Dhacay

Saturday - Feb 17, 2018


Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa jawaab kulul u diray La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdi saciid Muuse Cali, kaasoo horay u qoray warqad talo soo jeedin aheyd oo ka hadleysay arrimaha ciidamada xoogga dalka iyo in aan amar la’aan la qeybin hubka iyo rasaasta, isla markaana aan macluumaadka lala wadaagi karin Beesha Caalamka.

Warqad ka soo baxday Taliyaha ayaa digniin loogu jeediyay La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka arrimaha Amniga, isagoo lagu wargeliyay in aanu awood u laheyn inuu soo farageliyo arrimaha ciidamada, isla markaana ay tahay arrin gaar u ah Taliyaha Ciidamada.

Sidoo kale waxaa looga digay La Taliyaha in aanu warqada taa la mid ah uusan u soo qorin Xafiiska Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, iyadoo lagu wargeliyay in Ciidamada xoogga dalka ay toos u hoos-tagaan Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Warqada kulul ee jawaabta uu soo qoray Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo sida muuqata uu is maandhaaf xooggan uu soo dhex galay Taliyaha Xoogga iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Amniga Cabdi saciid oo ka mid noqday La Taliyeyaasha ugu awooda badan ee Xafiiska Farmaajo.