Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Oo Ku Hanjabay Inu Suuriya Weerar-doono Haddi ....

Wednesday - Feb 14, 2018

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku hanjabay inuu duqeyn doono Suuriya haddii ay caddaato wararka sheegaya in xukuumadda Dimishiq ay dadka rayidka ah u adeegsatay hubka kiimikada. Wuxuuna Yiri: Waan duqeyn doonaa goobaha lagu farsameeyo ama laga soo abaabulo hubka kiimikada, laakiin wuxuu cadeeyey in sirdoonka Fransiiska aysan ilaa iyo imika helin cadeymo muujinaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hub kiimika ah.

Hadalka hogaamiyaha Fransiiska ayaa imanaya xili bishii Janaayo ee sannadkii aynu soo dhaafnay ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Bashar Al- Asad looga shakiyay inay adeegstaay hubka wax gumaada.
Mar uu ka hadlayaya magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa maadxweynaha dalkaasi waxaa uu hoosta ka xariiqay sida dowladdiisa aysan wax dulqaad ah ugu heynin adeegsiga hubka kiimikada.

Macron oo jimcihii aynu soo dhafnay khadka taleefonka kula xiriiray Vladmir Putin ayaa waxaa uu ku wargeliyay walaaca dowladiisu ay ka qabto suurtagalnimada ah in dad rayid ah loo adeegsaday hubka wax gumaada.

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo iyo dowladda ay xulafada yihiin ee Ruushku waxaa ay ku celceliyeen in arrintaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin, iyadoo na dowladda Suuriya ay intaa ku dartay inay bartilmaameedsatay oo keliya haamo ay leeyihiin mucaaradka oo ay kujiraan hub kiimika ah.