Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waxay Baafinayaan Waa Wax Somali Ku Bes-beeshay .. Itoobiya Waa Qasan-tahay Oo Duufaan Kacdoon Baa Wadata .. Dameer La Soo Xaday Maxay Fuuli-doonaan

Tuesday - Feb 13, 2018


Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xiran yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday.
Waxaa sidoo kale suuqa ku dhex jira dhalinyaro isku magacawday Qeeroo oo ah dhalinyarada rabshadaha wada (Fay Cali) waxayna dhagax shiidayaan tukaan walba ama goobta ganacsiga ee furan.

Haddaba saakay ayaa magaalada Dire-Dhabe waxaa laga dareemayaa cabsi xooggan oo laga qabo in ay sii kordhaan rabshaduhu, taasoo keentay in dadku ay guryaha ka soo bixi waayaan,, meheradaha iyo goobaha ganacsiguna ayaa xiran-yihiin sida Bangiyada, Xawaaladaha iyo Tukaamada laga adeegto.

Rabshadihii u xoogganaa ayaa haatan waxay ka soconayaan gaar ahaan xaafadda Gande, iyo dhinaca Lagahare ka socda rasaas xooggan oo ay Askarta Booliska Fadaraalku ay ku ridayaan Rabshad wadayaasha oo hadda iyaguna billabay in ay taayaro gubaaan iyagoo Askartana dhagax shiidaya.
Rabshadahan ayaa socon doona ilaa dhawr maalmood oo dambe, sida ay ku goodinayaan dhalinyarada Qeeroo ee iyagu wada rabshadaha.

Qeeroo waa dhalinyaro Oromo ah oo kacdoonka wada waxayna si toos ah uga amarqaataan Jawhar Maxamed oo inta badan ah ninka Kacdoonada Itoobiya ka socda abaabula, wuxuuna ku nool yahay dalka Mareykanka,