Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Haweyney Qunbulado Ku Miineysan Oo U Socon-Weyday Ku Tala Galki Ay Is-lahayed Hotel Jaziira Dhulka La Jar Oo Mogdisho Lagu Qabtay

Tuesday - Feb 13, 2018


War laga xigtay xaga adeegayaal la shaqeya amniga ayaa sheegaya in Is-goyska KM 4, ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Haweeney naadineysay Hotel Jaziira oo ay ku xirnaayeen walxo Qarxa.

Dad ku sugnaa Agagaarka KM 4,ayaa sheegay in Haweeneyda oo ahayd mid aan aqoon meesha uu ku yaalo Hotel Jaziira la qabtay xilli dadka si hoose ay u weydiineysay halka uu ku yaalo Hotel Jaziira. dabadeedna Dadkii la kulmay ayaa inta ka shakiyey su'aasheeda ayey saraakiil amni oo agagaarka ka dhaweyd u gudbiyeen warkeeda, taaso markii dambe u soco-weyday ku tala galkii ay is lahayd dhulka la jar hotelka.

 Sida laga warqababa Hotel Jaziira ayaa ku yaalo meel aan ka fogeyn Garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Muqdiho,waxaana wax ka badan labo jeer weeraray ma xishoode Al-shabaab

Ma jirto war madax banaan oo xaqiijinaya xaalada ay ku dambeyso haweyneydaas la soo miineyey, waxaase la sugaya war ka soo baxa xaga Amniga.