Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sirtoodi Baxday .. Mucaaradki Warafka Tuuraayey Oo Markaan Ku ShiraayaTurkiga

Monday - Feb 12, 2018

Dalka Turkiga waxaa isku uruursanaya mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay doonayaan in halkaasi shir muhiim ah ku yeeshaan, si ay go’aan mideysan u soo saaraan.

Xogt hoose ayaa sheegeysa in wax-yaabaha xubnahan ka hadli doonaan ay kamid tahay sidii ay u ridi lahaayeen dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo arrimo kale, waxaase la tabinaya in ay marka hore xeel ahaan rabaan in Kheyre ay mooshin ka keenaan oo cod hal dheeri ah ku ridaan, kadibna ay hor istaagaan raiisal wasaare kasta oo madaxweynaha soo magacaabo, taaso haddi laba jeer lagu cesho u isagu sharciyan marka dambe dhacayo

ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in xubnaha tagaya Turkiga ay kamid yihiin Taabid Cabdi, Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashid Sharmaarke iyo xubno kale la sheegay iney xod-xoteen oo halkaas ku si socdaan, waxaa kalo la tuhunsan-yahay in saraakiil ka mida sirdoonka Abudabi ay halkaas ku sugan-yihiin oo laga yaabo iney wada kulmaan