Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Gabar La Dhalatay Hogaamiyaha Kuriyada Waqooyi Oo Booqasho La Yaab Leh Ku Timid Seol

Friday - Feb 9, 2018


Haweenay la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo wafdi balaaran oo heer sare ah ayaa saaka gaaray magaalada Seoul ee caasimada Kuuriyada Koonfureed.

Kim Yo Jong iyo wafdigeeda ayaa Kuuriyada koonfureed u tagay ciyaaraha Olympic Jiilaalka oo maanta ka furmaya dalkaasi, iyadoo si heer sare ah loo soo dhoweeyey wafdigan.

Kim Yo Jong aya waxaana lagu wadaa inay la kulanto Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in oo wafdigan munaasabad qado ah u sameynaya Sabtida beri.

Waxaa la filayaa in Kim Jong Un uu wafdigan u soo dhiibay casuumaad ku socota Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, inuu booqasho ku yimaado Kuuriyada Waqooyi.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi heer sare ama xubin kamid ah qoyska reer Kim ay booqasho ku tagaan dalka Kuuriyada Koonfureed tan iyo intuu bilowday dagaalkii kala qeybiyey labada Kuuriya.

Sanadkii 1950 ayey ahayd booqashadii ugu danbeysay oo uu hogaamiye ka socda Kuuriyada Waqooyi ku tago koonfurta, wuxuuna ahaa Kim il Sung oo awoowe u ah hogaamiyaha xiligan, Kim Il Sung oo xiligaasi weerar ku qabsaday caasimada Seoul inkastoo markii dambe laga saaray.