Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madaxweynaha Dalka Jeejinya Ramadaan Qaadirof Oo Xaaskiisa Ugu Hanjabay Furin Haddi Gurigiisa Lagu Kariyo Cunto Dibada Laga Keenay

Thursday - Feb 8, 2018


Madaxweynaha waddanka Jeejniya Ramadaan Qaadiroof (Ramzan Kadyrov) ayaa waxa uu mar kale ku celiyey in uu xaaskiisa furi doono haddii uu Gurigiisa ku arko iyada oo lagu karinayo cunto ka mid ah cuntooyinka dibadda laga soo dhoofiyo ee dalkiisa si uu u dhiirri geliyo wax soo saarka dalkiisa iyo in ay dadka dalkaasi cunaan cuntada dalkooda laga beero, halka uu sidoo kale amar ku bixiyay in gabi ahaanba dalkaasi isku filnaansho dhinaca cuntada ah gaaro oo ka maarmo cuntooyinka dibadda looga soo dhoofiyo ee la mid ah kuwa dalkiisa ka baxa.
Inkasta oo uu Madaxweynaha waddanka Jeejniya hore u shaaciyey in uu adkaynayo go’aan adagna ka qaatay cuntooyinka dalkaasi dibadda looga soo dhoofiyo ayaa waxa uu haddana mar kale ku celiyey gooddi adag iyo ballan uu ku qaaday in uu tallaabo kasta oo adag qaadi doono, xataa haddii uu gurigiisa ku arko cunto dibadda laga soo iibiyey oo lagu karinayo in ay taasi sahayan doonto xaaskiisa oo uu sheegay in uu jecel yahay balse haddii ay sharcigaasi fulin waydo ay iska tagi doonto oo uu dalqadaheeda u dhiibi doono.

Madaxweyne Ramzan Kadyrov ayaa xariga ka jaray warshad weyn oo dalkaasi laga hir geliyey taasi oo soo saari doonta maalintiiba Kumannaan tan oo Hilib, Macmacaanka sida xalwadaha iyo waxbaayaha laga sameeyo caanaha ah sidoo kalena soo saari karta dhammaan noocyada cuntada ah ee inta badan laga farsameeyo caanaha sida burcadka, subagga iyo caanaha saafiga ah.