Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xikmad Qaali Ah Oo Nolosha Ku Saabsan .. Halyeygi Mahatma Gaandi Iyo Kabti Ka Dhacday

Monday - Feb 5, 2018


Mahatma Gaandi waxaa u ahaa halyey u dhashay wadanka India, waana shakhsiga ugu mudan wadanka india ee ka xoreey gumeystihi Ingiriiska, waxaanu soo maray dhibaato aad u fara badan .. Hadaladiisi iyo ficiladiisaba dunida u yihiin bartil-maameed.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Mahatma Gaandi oo aad u dheereynaaya si uu u gaaro Tareenka oo ka dhaqaaqayey, markii uu Tareenkii haleel ku fuulay waxaa ka dhacday mid ka mid ah labadisi Kabood. Nasiib darose Tareenkiina waa dhaqaaqay oo kabti halkii ayaa uu kaga tagay.
Gaandi Kabti kale inta uu bixiyey ayaa uu si deg deg ah tuuryo dheer ugu tuuray halkii ay kabti kale kaga hartay .. Saaxiibadi la socday ayaa aad ula yaabay, waxaa u arinta ula jeedo, waxayna ay weydiiyeen Sabata u sidaas u yeelay .. Gaandi waxa u ku jawaabay ereyo aad u xikmad badan oo ahaa: Waxa aan jecleystay in Ruuxa faqiirka ah ee hela kabtaas aanay ku noqon kab kaliya ee ay noqdaan laba Kabood oo u ku intifaacsado, Waayo ayuu yiri haddi Kab kaliya ay noqoto waxba uma faaiideyneyso, aniguna haddi aan kab keliya la harana sido kale waxba iima faaiideyneyso.

Arintaan u sameeyey Mahatma Gaandi waxay ahayd darsi u ula jeeday in lagu barto in haddi shay aynu jecel nahay aynu weyno, ama uu na dhaafo ay fiican tahay in aynu niyadda ugu hibeyno in Ruuxa kale ee hela sheygaas uu si dhameystiran u helo si farxadu ugu dhameystiranto. una aragno in farxadiisu ay farxadeena tahay