Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Gabar Waaren Caalami Ah Lala Raadinaayey Kana Mida Gudiga Sare Ee Al-Shabaab Oo Lagu Qabtay Boorama

Monday - December 10, 2012

Borama – Ciidamadda amaanka Somaliland ayaa la sheegay in hawl-gal ay habeen hore ka sameeyeen guri ku yaala Magaaladda Boorama ay ku soo qabteen Gabar Maraykan Somali ah oo Al-shabaab xil sare ka haysa oo loo soo jaray Waaran Caalami ah, taasoo ay wehelinayeen sadex ruux oo laba dumar yihiin, kuwaasi oo la sheegay in ciidanka qabtay u soo qaadeen dhanka Magaaladda Hargeysa.
Ciidamadda hawl-gal sameeyay oo ahaa kuwa sida  gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano RRU-da, ayaa hawl-galka ay ka sameeyeen Borama lagu sheegay inuu ahaa mid kedis ah oo ku koobnaa guriga ay ka soo qabteen 3-da haweenka ah iyo qofka afraad oo ahaa wiil dhalinyaro ah, kuwaasi oo guri kaliya laga soo wada qabtay.
 
Dadkan la xiray oo aan ilaa hada la ogeyn sababta xarigooda, ayaa waxa gurigii laga soo qabtay shalay booqday Wariyaaasha Magaladda Borama ku sugan, waxaanu halkaasi kula kulmeen dhowr haween ah, kuwaasi oo sheegay inay ehel ahaayeen qaar ka mid ah dadka ciidamadda amaanku qabqabteen, waxayna haweenkaasi sheegeen in aanay ogeyn sababta haweenka iyo wiilka dhalinyaradda ah loo xiray.