Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Taliyihii Sirdoonka Afagaanistaan Oo La Dhaawacay

Saturday - December 8, 2012

Asadullah Khalid Madaxii sirdoonnka dalka Afghaanistaan ee NDS ayaa dhaawac culus ka soo gaaray weerar bambaano oo lala beegsaday maalinimadii khamiistii.
Weerarkan ayaa ka dhacay xarun ay sirdoonka Afghaanistaan ku leeyihiin magaalada caasimada ah ee Kabul.
Waxaa la rumeysan yahay qof iska dhigayey inuu ahaa Nabadoon uu isku qarxiyey Agaasimaha sirdoonka Mr.Asadullah Khalid, waxaana la sheegay in mas’uulkan lagu sameeyey qaliin, xaaladiisana ay hada degen tahay sida uu sheegay Afghayeenka Madaxtooyada Afghaanistaan.
 
Madaxweynaha Afghaanistaan Xamiid Karsaay ayaa Cisbitaalka lagu qalay ninkan booqday, iyadoo la sheegay in dhiig bax badan uu ku yimid Asadullah Khalid oo hada lagu hayo Cisbitaal ku yaal Kabul oo si weyn loo illaalinayo.
Asadullah Khalid oo horey uga mid ahaan jiray Golaha Wasiirada ayaa dhawaan loo magacaabay xilka hogaanka sirdoonka, waxaana hore loogu eedeeyey ninkan inuu jirdil u geysto dadka ay qabtaan sirdoonka, sida ay sheegeen hay’adaha xaquuqda Insaanka u dagaalama ee reer Galbeedka.
 
Kooxda Talibanka ayaa dar dar gelisay weerarada ay la beegsaneyso madaxda dowlada Afghaanistaan, xili  lagu wado in labo sano kadib ay ciidamada shisheeye wadankaasi isaga baxaan.
Ciidamada NATO ayaa qorsheystay in sanadka 2014ka ay ka baxaan dalka Afghaanistaan oo awooda ku wareejiyaan ciidamada dowlada Afghaanistaan,kuwaasi oo hada u muuqda inaanay ka guuleysan kooxda Talibanka oo weli ku xoogan qeybo kamid ah gobalada dalkaasi.