Tirada Askarta Kaga Dhimatay Somaaliya Oo La Cadeeyey
Thursday - November 1, 2012
Nayrobi-Markii u horaysay waxa la cadeeyay tirada ciidamada Yugaandha kaga geeriyootay hawlgalka AMISOM ee Somaliya, waxaanay tiradaasi hore u ahayd mid sir ah oo aan la soo bandhigi jirin.
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Mr. Richard Onyonko, ayaa cadeeyay in 2,700 (Laba kun iyo toddoba boqol) oo askari ay dagaalada Somaliya kaga dhinteen dalka Yugaandha, tan iyo sannadkii 2007 oo ay tageen Somaliya. Mr. Richard oo Arbacadii shalay hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Nayrobi, wuxuu sheegay inay sidoo kale saddex darsin ka dhinteen ciidamada Kenya ee Somaliya ka dagaalama.