Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Xaalada Lubnaan Oo Kacsan Kadib Dilki Taliyihi Sirdoonka

Sunday - October 21, 2012

Xaalada dalkaasi Lubnaan ayaa kacsan kadib dilkii maalinimadii shalay loo geystay Taliyihii ciidamada Sirdoonka dalkaasi Gen.Wissam al-Hassan oo asagu ahaa nin kasoo jeeda dadka Sunnida ah. 

Weerar bambaano oo shalay ka dhacay caasimada dalkaasi ee Beyruut ayaa lagu dilay Gen.Wissam al-Hassan iyo todoba qof oo kale, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 86 qof oo rayid ah.

Weerarkan ayaa keenay in markale ay sare u kacaan xiisadihii ka dhex taagnaa dadka Calawiyiinta iyo Sunnida ah, maadaama Taliyaha la dilay ee Wissam al-Hassan uu ahaa nin Sunni ah oo si weyn uga soo horjeeday Shiicada iyo dowlada Calawiyiinta ee ka talisa dalkaasi Siiriya.

Wissam al-Hassan
Hogaamiyaha Sunnida ah ee xisbiga March 14 Mr.Sacaad Hariri oo horey u soo qabtay xilka Raysalwasaaraha ayaa mar la weydiiyey cida uu umaleenayo in weerarkan ay ka danbeysay ayaa ku jawaabay “Bashaar Al Assad”, Madaxweynaha dalka Siiriya.

Magaalada Tripoli ee ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Lubnaan ayuu kasoo jeeday Gen.Wissam al-Hassan waxaana magaaladaasi maanta gebi ahaan la xiray goobaha ganacsiga ayadoo la maqlayo rasaas ay ridayaan maleeshiyaadka Sunnida ah. Sidoo kale amaanka magaalada Beyruut ayaa si weyn loo adkeeyey.

Dowlada Siiriya iyo waliba xisbiga Shiicada ah ee XisbuAllah ee dalkaasi Lubnaan ayaa labaduba si weyn u dhaliiceeyey cida ka danbeysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Beyruut. Hase yeeshee dadka sunnida ah ayaa aaminsan in weerarkaasi laga soo maleegay dalka Siiriya oo hada ay ka socdaan dagaalo dhexmaray dadka Sunnida ah iyo maamulka Calawiyiinta hogaamiyaan ee Bashaar Al Assad.