Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Yeman Oo Qabatay Mid Ka Mid Ah Saraakiishi Al-Shabaab Ee Mareykanku Madaxdooda Dul-Dhigtay Lacagta

Saturday - October 20, 2012

Saba: Wakaaladda Wararka Dalka Yeman ee Saba ayaa sheegtay Xukuumadda Yaman inay gacanta ku dhigtay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ka mid ah kooxdii ay Dawladda Maraykanku Madaxooda Dul dhigtay Lacagta.
 
Dawladda Yaman Sarkaalka ay qabatay magaciisa wali soo ma bandhigin, hase yeeshee waxa ay sheegeen inay ka qabteen Dekedda Dibah oo ku taala gobolka Xadramuut, wakhtigaasi oo uu ka soo laabtay Safar uu dhinaca Somaliya ku tagay.
Dawladda Yeman waxa ay sheegtay Sarkaalkan ka Tirsan Shebekadda Al-qaacidada Somaliya inuu dalkoodda u yimi gacan siinta Kooxaha Xag-jirka ah ee Dalkoodda oo ay kula jiraan dagaal adag oo uu Maraykankuna ka caawiyo.Ilaa hada lama garanayo Dawladda Yemen inay u gacan gelin doonto ninkaas Dawladda Maraykan iyo inkale.