Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Barlamaanka Somaaliya Oo Si Buuxda Codka Kalsoonida U Siiyey Raiisal Wasaaraha Cusub Ee Somaaliya

Wednesday - October 17, 2012

Mogadisho- Somaliweyn: Kulan maanta ay isugu imaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay si aqlabiyad leh codkooda ugu ansaxiyeen R/wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 225-mudane ayaa waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana kulanka ka soo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha maanta la siiyay
kalsoonida.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa horay uga dalbaday gudoomiyahooda in la horkeeno Baarlamaanka R/wasaare Cabdi faarax Shirdoon si codkooda ay u siiyaan uuna u soo bandhigo qorshaha uu dejiyay xukumadiisa afarta sano ee soo socota.

Ma jirin codkii loo qaaday cid ka aamustay ama diiday, waxaana gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay inuu ansaxyahay R/wasaare saacid wixii ka danbeeyay saacadan.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii ay codsadeen in xildhibaanada baarlamanaka la horkeeno R/wasaaraha si uu su oo bandhigo qorshahiisa ku aadan waxqabadka iyo tayada ay yeelaneyso xukumada uu soo dhisi doono.

R/wasaaraha la ansaxiyay ayaa sheegay in xooga uu saari doono arimaha dibu heshiisiinta iyo horumarinta bulshada, waxaana isla maanta lagu dhaariyay goobtii lagu ansaaxiyay.