Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

R/W Saacid Oo Wiigaan Soo Dhisaya Xukumadiisa Iyo Barbaarta Leelkase Oo U Kala Ordeysa Cadka Wasiir

Thursday - October 18, 2012

Mogadisho: Sida saadaashu ahayd waxaa Arbacadi codkii kalsoonida la siiyey raiisal wasaare Saacid oo u ku soo dhisi-doono gole wasiiro la yiri ha noqdaan kuwa wax qabadkooda dalka iyo dadka xaalada lagu jiro wax ka badali-kara, hasa ahaate dadweynaha Mogdisho ayaa dareen-kooda ka cabsi qaba in dawlada Digtoor Saacid soo dhisi-doono noqoto kuwa aan waxba soo wadin iyo wajiyaal isu kaayo badala oo waqti kale looga lumiyo ummada, waxayna hadalkoodaas sida la sheegayo ku saleynayaan in xafiiska raiisal wasaaraha durbaba gudo iyo agagaarba sidi shinida ku soo xoomay kuwa hoos yaac lagu yiqiin iyo dhurwaayadi dadka cuni-jiray oo raba iney soo dhacaan, isla markaa iyo kuwa kale oo u soo taagan musharax wasiir mar kale iyo yaan lagaa badsan u tafaxeydan una soo mutuxan wax liq liq amase madaxi waan liqaye aan majahana dhuunjiye ee markale ha la ii magacaabo wasiir .. waxayna mataal is-weydiin su'aal u soo qaateen liis magacyo u sharaxan wasiir oo la sheegay in madaxweynaha u ka qabtay Shariif Sakiin sido kale iyo Cumar Cabdirashiid oo la yiri waxuu u taagan yahay inu dawladaan ka helo wasiirada culus midkood iyado la ogsoonyahay inu ahaa nin maamlkiisi iyo hantidi qaranka maareyn-kari-waayey oo wax is dab marintiisi war-baahinta dunida oo dhami qaadaa-dhigtay miya laga aqbali-kara inu mar labaad shacabka ka soo hor mutuxnaado ayey yiraahdeen 

koleyba guud ahaan shacabka Somaali maanta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan caasimada mogadisho waxay u jidbeysan-yihiin iney arkaan wasiiro dawladeed oo aan ahayn dhado Roob oo kale, amase ahayn kuwa gujo iyo nin jecleysi lagu keenay balse leh karti iyo hufnaan intaba .. Dadka badidooda waxay qaadayaan heeso u eg kuwi kacaanka iyo Saacidow ma daale, waxaa talada iyo rajadu tahay in kuwa day-day ah marna la soo guran iyo kuwa Qaraab-doonka ah ee faaska shicibka la dul taga oo dabadeed maraqa ummada kun jeer ku luqluqda.

Wajiyaal ka mida reerka leelkase oo mogdishow ku sugan oo intooda badan sawir aan loo aqoon baryahaan isu yeelaya balse sidi ceeryaamada mararka qaarkood reerka u dhax roora si aan si wacan loogu arag ayaa ayaamahaan sheekadoodu tahay "Waraabow wa Hal" oo suuf iyo xanjo isugu xiraaya sidi ay gacanta ugu dhigi-lahaayeen kuraasta wasiirnimo ee lagu hardamaayo .. walow tafaraaruq u ka jiro xeerki reerk dhexdiisa u yiilay hadana Ragaas kursiga u ordaaya mid waliba waxuu si kali-nimo ah isla soo taagaya sidi taajka wasiirnimada loo saari-lahaa isagoon tolkiisa wax wada hadal iyo waasteyn midna la galin, taaso keentay inu mid kasta cidiyaha ku dagaalamo oo xuslduub niba sidu wax ku heli-karo ku raadsado iyadoo raga qaarkiis laga soo sheegaayo iney wax ku raadinayaan waxyaabo ka baxsan dhaqanki iyo anshaxa reerka lagu yaqiin, waxaan illa shalay bulshada Reerka dhex rooraaya war oranaaya waxaa raiisal wasaaraha loo qoray liis ay ku taxanyihiin magacyada xildhibaanada shanta ah iyo duubabka beesha oo looga codsanaayo R/W Saacid inu magacaabo Nin Beesha ka mid ah hasa ahaate aan magaciisa la carbaabin, waxaase la filayaa sheekadaas ay noqon-doonto mid aan shaqeyn-doonin, waana dhici karta in warkuba yahay wax la iska mala -awaalay 

Waxaase la yaab noqotay xildhibaanadi farsamadoodi xulka awalba caga-jiidka iska ahayd iyo ciyaarti khamaarka loogu caleema-saaray, waxay noqdeen kuwa hal ama laba mooye xilki loo egmaday gudan-kariwaayey oo hawshi hortiilay iyo waajibkii laga doonaayey la saluugay, cid ay wax ka maqlayaan aysan jirin mana muuqato rajo ka soo muuqata oo iyagiibaa kala hadlaaya oo is daba fur fur isku sameynaaya .. mar iyo laba ayaa shir gaara u qabtay dhaxal sugaha Ugaasnimada beesha Maxamuud Ugaas Axmed iyo labada Suldaan si mar qura wax loo garto wada jirna la isula shaqeeyo si danta guud ee la leeyahay loogu kulmo iyo masiirka ummada Lelkase, hsa-ahaate Qabuul iyo is-ixtiraam midna ma dhicin balse arinti waxay noqotay Sac guray salaax kuma godlado oo waxaa dhacday is-macneyn, kolba dhinac ka imaansho, is-xajimeyn iyo is-xasaradeyn oo aan loo kala aabo yeelin ayaa goobti shirka ka dhacday,taasna waxay ku tuseysa waxa aan rabno ee afka ka leenahay iyo sida aynu nahay waa kaaf iyo kaka dheeri oo sida muuqata waxaa lagu dan-seegay xaniiyaha la isu-qabanayaa indhaha la isaga soo ridaya waa damac gaara wax ku hel .. Reer amase Qabiilo marka ay baladu wadato waxaa lagu yaqaan bulshada reerka oo waxa danta ah iska dhagooleeya iyo isu xusul duub la isuku soo Qaraabsado, kutri- kuteen la isla dhex qaado iyo been la kala sheego iyo ugu dambeyn aakiro-tahanka talada beesha oo ay la waregaan kuwa u dhaqma sidi God meyd Qodayaal ahaan jiray.

Magacyada murashaxiinta isu-xuurteynaya iney reerka u matalaan jagada wasiirnimada iyo mid waliba waxa laga soo sheegay inu qaban-doono haddi la magacaabo

1- Xildhibaan Ciise Guraase, waxuu yiri haddi la ii doorto wasiir, Fanaaninta dayacan waan dar-yeelin, Gabowgana daawaan u helin .. Reer Bakeyle iyo Reer Ciyoowna dhibka iyo orodka daaya ayaan oran, hadey diidaana dabar baan ku dhuujin

2- Xildhibaan Cabduqaadir Gaabane isna waxuu yiri haddi wasiirnimo la ii doorto daruuraha baan shir la galin oo waxaan oran ku da' meelkasta oo degaanka beesha ka mida.

3- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh isagana waxuu yiri haddi la ii magacaabo waxaan idin sameyn sharci aad ku sameysataan Dolarka oo sidii doog baxa ayuu agtiina daadsanaan-doona , wixii idin diida ama idin ka hor yimaada iyo Faroole Dacas Baan Ka Dhigan.

4-C/qaadir Shiikh Ismaail Aw Xaashi, waxuu yiri haddi reerka magaciisa laygu magacaabo,Dalka Itoobiya waxaan ka dhigin meel hooyinka beesha ay daafida ku dubtaan, Carabta dayaca na bideyna waxaan ka digi danbas iyo buuriga daanka la gashado.

5- Cali Ismaaci Giir, waxuu yiri haddi markaan la ii magacaabo, Puntland waxaan ka dhigan difaac, cadawga reerkana darbad baan le helin, Rag aan ogahayna darayaan ku qaban oo dirqi baa la igaga furfuri .

6- Afar kale baa jirta ayaa la leeyahay oo iyagana warqado u qortay raiisal wasaarha oo ka gaabsaday iney isa shaaciyaan.