Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Boqortooyada Sacuudiga Oo Ku Dhawaaqday Iney Joojineyso Dhamaan Dhuxusha Uga Imaaneysa Somaaliya

Tuesday - October 16, 2012

Riyaad- Sacuudi Araabiya: Wasaarada maaliyada, Ganacsiga Iyo Warshadaha iyo tan arimaha dibada boqortooyada sacuudiga waxa ay warkooda ku sheegeen iney fuliyeen go'aanki golaha amaanka ee Qaramada  Midoobay ee lagu mamnuucay soo dhoofsashada dhuxusha Somaaliya isla markaana qaateen go'aan ay ku joojiyeen iibsiga dhuxusha somaaliya

Waxayna boqortooyadu amar ku soo saartay in dhuxusha soomaaliya ee la keeno sacuudiga ay kaalmo u tahay al-shabaab oo bah wadaag la ah ururka al-qaacida sidaa daraadeedna dawlada sacuudiga aanay dooneyn in al-shabaab dhuxusha ay ka helaan dhaqaale ay ku si wadaan dagaalada ay kala soo horjedaan ciidamada dawlada somaaliya.

Sida la ogyahay boqortooyada Sacuudiga waxay ka mid tahay dawladaha  sida weyn ula tacaala la dagaalanka argagixisada caalamiga ah, waxayna hawlgaladaas si fiican ula wadaagta dawlada mareykanka oo iyadu hormood u ah la dagaalanka argagixisada siiba kuw saldhig ka dhigtay somaaliya.