Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Cutubkii Sadexaad Ee Ciidamo Ka Socda Jabuuti Oo Soo Gaaray Baladweyne

Tuesday - October 16, 2012

Baladwayne(Lug)— Cutubkii sadaxaad ciidammo ka socda dalka Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada oo ku qalabeysan gadiidka dagaalka iyo gawaarida gaashaaman oo gaaray ilaa sadax boqol oo askari ayaa ka soo gudbay xadka gobollka Hiiraan uu la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyaga oo ku yimid safar dhulka ah.

Col. Cismaan Dubad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka hogaamineysa ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadan yihiin kuwo ka caawin doona dowladda Soomaaliya sugida amniga magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan.

Ciidamada gaaray magaalada Baladweyne ayaa noqonaya qeybtii sadaxaad iyadoo ay horay u sii joogeen ku dhawaad 450 askari ka socda dowladda Jabuuti kuwaasoo fariisimo ka dhigtay daafaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha. Marka laga soo tago ciidamada dalka Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM waxaa maamulka gobollka Hiiraan kala shaqeeya dhinaca nabad-galyada kumanaan ciidamo ah oo ka socda dalka Itoobiya oo fariisimo kala duwan ku leh daafaha iyo gudaha magaalada Baladweyne.