Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Dhacdo Naxdin Leh: Dab Qalfoof U Rogay Caruur Reer Hargeysa Ah

Monday - October 15, 2012

Hargeysa (Jam)- Laba carruur ah oo da’dooda lagu kala sheegay shan jir iyo saddex jir, ayaa ku nafwaayey, isla markaana qalfoof u rogay, kadib markii dab qabsaday gurigooda oo ku yaal xaafadda Sheekh Madar ee caasimadda Hargeysa abbaaro 1:30 duhurnimo ee Sabtidii toddobaadkan.

Carruurtan oo ahaa laba wiil oo walaalo ah, magacyadoodana la kala odhan jiray Caydaruus Maxamed iyo Cabdirashiid Maxamed, ayaa gebi ahaanba ku shuf beelay dab aan ilaa hadda la garanayn sababaha keenay oo qabsaday gurigooda oo ahaa aqal Soomaali, kuwaasoo meydadkooda oo qalfoof noqday halkaas laga soo saaray.

Weriye Jamhuuriya ka tirsan oo booqday shalay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa qolka meydka ku soo arkay meydadka carruurtaas oo si xun u gubtay, isla markaana diirkii iyo hilibkii jidhkoodaba dabkaasi ka feentay, una beddelay qalfoof isa sudhan oo aan isha lagu hayn karin.

Mid ka mid ah dadka deriska la ah aqalka carruurta yaryar ku gubteen oo ku yaal xaafadda Sheekh Madar, ayaa Jamhuuriya uga xog-warramay dabka labada wiil ee walaalaha ah ku ku naf-waayeen iyo waxyaabihii uu arkay, waxaannu yidhi; “1:00 duhurnimo aniga oo soo rawaxay, ayaa waxaannu waddada iska soo raacnay hooyada dhashay carruurta dhintay, dabadeedna dabeedna markaan aqalkayga galay ee aan kabaha iska bixiyey ayuun baan qaylada maqlay. Hooyada carruurtaas, xaaskayga iyo gabadh aannu walaalo nahay ayaa iga horreeyey, waxaanan arkay dabkii oo wada qabsaday gurigii oo dhinac walba u dhaafay oo dhirtii qabsaday.

Wax biyo ah iyo gurmad noo dhawaa muu jirin. Waxaannu la boobnay ciid iyo dhagaxaan si aannu u bakhtiino, gaadhigii dam-damiskuna xilli dambe oo aannu gurigii bakhtiinay ayuu noo yimi, sidaas ayuuna gurigii iyo carruurtii ku jirtayba iskula basbeeleen oo waxaan arkay labadii carruurta ahaa oo qalfoof noqday.”

Khasaaraha ka dhasha dabka ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku badanayey caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka, iyadoo aannu jirin dam-damis dawladeed oo ka qaybqaata la-dagaalanka iyo daminta dabka khasaaraha u geystay nool iyo moodba.