Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Qureyshti Leelkase Ee Kheyrka Wada Raadin- Jirtay oo Maanta Tawfiiqdi Ka Si Dhimaneysa

Thursday - October 11, 2012

Mogadisho Waxaan maanta qalinka u qaatay arimaha waayadaan danbe saaxda beesha leelkase ku soo cusboonaaday ee maradi Reerka ku si tifmeysa wadatana dhiilo iyo dhibaato ay ka dambeyaan dadka colaada iyo dhibka ka hurinaaya .. hadaba su'aasha is weydiinta leh baa waxay tahay haddi aad maqashay Rag leelkasa ah ayaa xamar jooga side u taqaan waase kuwee kuwa intaas oo dhan wada .. hadaba su'aashaas maya iyo haa kooban kagama jawaabikaro, balse waxaan kaga jawaabi-kara sawir guud markaan ka baxsho arimaha ku gaadaaman sheekadaan ee dhabta ah.

Waxaa la yiri Sagaaro oo iska ordeysa oo aan qabin wax baqdin ah, bey bur duulaya la kulantay oo dabadeed ku ganac go'day, sida muuqatana makhluuqa leelkase siiba kuwa aan ka hadlaayo ee jooga mogadishow waxaa si lama filaan ah ugu habsaday duufaan qalbigoodi angajisay saameyn ku yeelatay fikirki iyo garashadoodi mideysnaan jirtay, waxaase maanta si toosa uga dumeen damiirki iyo maskaxdi ay maali jireen, waxaa xaaladoodi noqtay iney maskaxdooda ku godliyaan war xun, isku dir, laba canleyn iyo yaan lagaa badin kaaga sii darane waxay gabigoodb inta badan nafta kaga sii baxaysa xamaasad colaadeed iyo qas dhibaato ka dhalan-karta tolka dhexdiisa iyo iyadoo mid waliba oo micida adeegsada shu'uunta midka kale faraha la galaya.

Magaaladaan Mogdisho waxaa beesha dhexdeeda ka abuurmay sadex kooxood oo midba midka kale sidi maafiydi talyaaniga isku waajibinaayo inu siyaasiyan uga takhaluso, kooxahaas oo ay ka midyihiin kuwa la baxay

-Isbahaysiga Ugaas diidka la magac baxday oo tiro aan yareyn ka kooban waana kooxda ugu xoog badan oo hadda bulshada mogdisho handalgareyneysa.