Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Waxbarshadiisi Jaamacadeed Shaki La Galiyey

Thursday - October 11, 2012

Xigasho Halbeegnews:Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay dhawaan, sida ku qoran qoraalka taariikh nololeedkiisa waxbarasho wuxuu waxbarashadiisii heerka Degree ku qaatay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, sannadahii 1982-kiina waxaa lagu sheegay taariikh nololeedkiisa inuu shahaadada Master Degree ka qaatay Jaamacad ku taalla dalka India oo la yiraahdo Phobal University.
 
Baaritaankii Halbeegnews Muxuu Soo Saaray
 
Jaamacadda Phobal University waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu liita dhinaca akaadamiyadda dalka Hindiya waxaana sannadahii 1975-kii ilaa iyo wakhtiga la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka qallin jabiyey ay ahayd kuuliyad nooca loo yaqaano (Institutes) oo bixisa shahaadooyin u dhigma Degree Grade.
Sannadkii 1992-kiina Maamulka gobolka Madhya Pradesh ee dalka Inida  ayaa aqoonsigii kala noqday Jaamacadda Phobal University ka dib markii lagu qabtay inay si qarsoodi ah u bixiyaan shahaadooyin foojari ah ama ay soomaalidu u taqaano (bug) (Bogus degrees), wixii intaasi ka danbeeyeyna Jaamacadaasi la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shahaadada Master ka qaatay ma jirin meel ay ku taallana lama garanayo.
si aad u eegto Jaamacadaha iyo kuuliyadaha akaadamiyadda sare ee gobolka Madhya Pradesh ee Phobal ka tirsantahay ee dawladda dhexe ee India iyo gobolka Madhya Pradesh aqoonsanyahay iyo tirada liiska jaamacadahaasi oo ku qoran bogga dawladda gobolka Madhya Pradesh halkani guji haddii aad eegto kuma jiro habayaraate jaamacad la yidhaahdo Phobal University, marka Madaxweynaha ayeynu weydiin doona Jaamacadii uu ka qaatay Master Degree halkay ku taallo Hadda iyo waxay ku danbaysay?
Diigniyin iyo Caalamiyan Maxay Tahay Inaad Sheegto Been ama Darajo aanad Lahayn
Diinta Islaamku way mamnuucday inuu qofku sheegto darajo aanu gaadhin, dhaqan ahaana markaad tahay qof xil umadeed oo weliba xilkii ugu sareeyey ee qarranka doontay inaad been sheegto waa xaaran.
Madaxweynahu inuu Professor Level ama darajadda Professor oo aynu soo sharaxnay qofka noqon kara waxaa laga rabo inuu sheegto wuxuu ku mudan kara ciqaab inuu jabiyey sharci caalami ah (Breaching international Law by claimig a bogus level) taasi oo mudan inuu xilkiisa waayo isla markaana maxkamad la soo istaajiyo waayo wuxuu ka dhiganyahay qof aan la garanaynin oo mansab foojari ah sheeganaya.
Ceeb ayey ku tahay Madaxweynaha Soomaaliya inuu sheegto Professor ama uu aqbalo in loogu yeedho Professor waxaanay sidoo kale tani cay iyo aflagaado ku tahay dadka Soomaaliyeed ee uu hogaamiyaha u yahay oo uu mar been u sheegay imikana been u sheegayo mise tallow dadka Soomaaliya iyo dadka reer Xamar ayaa ka hella beenta iskuna madadaaliya beenta, waa hubaal inaan lacag Professor lagu noqon, isla markaana Iskuul inaad wax ka barto aanad Professor ku noqon karin, haddii xita aad Master Degree haysato ma sheegan kartid Professor.

Halbeegnews, Muqdisho