Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Shiikh Zandaani Ee Reer Yeman Oo Caalamka Looga Aqoonsaday Digtoorka Dabiiba Cudurka AIDIS-ka

Wednesday - October 10, 2012

Sanca - Sheekh Cabdalmajiid A-Zandaani oo ah daaci weyn oo u dhashay dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay in uu daawadiisa uu ku dabiibo cudurka AIDS uu aqoonsi iyo shahaadada dhowrsoonaanta curinta uga helay hay’adda WIPO ee qaramada midoobey. Isaga oo sheegay in daawadan uu maskaxdiisa ka curiyey ay hadda diyaar u tahay in la warshadeeyo, laakiin marka hore uu doonayo in uu dunida uga helo aqoonsi ah inuu isagu yahay ninka curiyey. Sheekh Zandaani oo habeennimadii khamiista ee toddobaadkii hore waraysi siiyey  talefishanka Aljazeera Mubaashar waxa uu sheegay in uu yahay qofka keliya ee dunida maanta sheeganaya in uu maskaxdiisa ka curiyey daawo awood u leh in ay ka takhalusto cudur sidaha HIV ee sababa AIDS ka, isaga oo arrintaa ku tilmaamay mid ku timid marka koowaad fadliga Alle, marka labaadna ah aqoonta takhasuska ah ee uu u leeyahay cilmi baarista sayniska, iyo weliba waayo aragnimada badan ee uu u leeyahay dabiibka Islaamiga ah, arrimahaas oo is biirsaday ayuu Sheekhu sheegay in Alle ugu furay ikhtiraacidda daawada cudurka loo maaro waayey ee AIDS-ka.
 
Sheekh Zandaani waxa uu muddo 25 sano ah waday cilmi baaristii uu daawadan ku helay, ayaa la sheegayaa in ay ku caafimaadeen dad badan oo cudurka AIDS ka qabay. “Waxa aanu awoodnay in aanu caddaymo shaybaar u keenno in aan hayno daawo ka takhalusaysa cudur-sidaha AIDS-ka. Tijaabada daawadanna waxa aanu u marnay si waafaqsan nidaamka cilmiga ah, si aanu u xaqiijinno in daawadani ay tahay mid ku haboon isticmaal. Markii aan daawadii ku tijaabinnay xayawaanno ee ay noo caddaatay in aanay wax raad taban ah ka tagayn” ayuu yidhi Sheekha oo sii caddaynaya tallaabooyinka ay qaadeen ka hor intii aanay fasaxin in daawadan dadka loo isticmaali karo.
Tijaabooyinkii lagu sameeyey daawada
 
Sheekh Cabdalmajiid Zandaani oo sii faahfaahinaya habka ay daawadan u tijaabiyeen waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu bilownay sannadkii 2005-ta in aanu dabiibno laba kooxood oo dad ah, kooxda hore waxa ay ka koobnayd 13 ruux oo qaba cudurka AIDS ka, daaweyntooduna waxa ay socotay muddo hal sano ah, waxaa bogsaday 10 ka mid ah, halka saddex ka mid ahna uu aad hoos ugu dhacay heerkii iyo awooddii burburineed ee cudur sidaha AIDS ka keena. Kooxda labaad tiradoodu waxa ay ahayd 25 ruux oo qabay cudurkan AIDS ka waxaana bogsaday 13 ka mid ah”
 
Sheekhu waxa uu sheegay in marka uu qofka ka baarayo in daawadiisa uu ku bogsaday, uu ka qaado shaybaar uu u diro dalka Jarmalka, iyada oo natiijadii shaybaar ee u dambaysayna sida uu sheegay ay soo gaartay 12 maalmood oo keliya ka hor markii uu waraysigan bixiyey, waxa kale oo uu sheegay in uu isticmaalo cisbitaal ku yaalla dalka Urdun oo leh qalab shaybaar oo aad u casri ah oo aan qarinayn haddii hal cudur-side oo keliyi dhiigga ku jira. “Lix qof oo ka mid ah kooxdii u dambaysay ee aanu shaybaarkooda dirnay si buuxda ayey u bogsadeen, halka inta kalana ay aad uga soo reeyeen heerkii cudur-siduhuna aad hoos ugu dhacay oo ay u baahan yihiin in muddo kale loo sii wado daawada”
Sheekha oo si gaar ah u sii caddaynayey tayada daawadiisa ayaa sheegay in xataa wasaaradda caafimaadka ee dalka Yemen ay dadka uu daweeyey toban ka mid ah ka qaadday shaybaaro, kadibna ay u kala dirtay dalka Masar iyo shaybaarka ciidamada badda ee dalka Maraykanka oo ay hay’adda caafimaadka adduunku aaminsan tahay in uu yahay shaybaarka marjaca u ah gobolka bariga dhexe. Waxa uu sheekh Zandaani sheegay in shaybaarkaa ciidamada badda Maraykanka oo adeegsanaya habka BCR ee lagu kala caddeeyo in uu Fayrasku ku jiro dhiigga iyo in kale, jawaabihii rasmiga ahaa ee shaybaaradaas oo loo soo diray wasaaradda caafimaadka ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyey in afar ka mid ah Tobankii ruux laga waayey gebi ahaanba cudurka AIDS-ka, iyada oo weliba dadkaasi ay ahaayeen dad muddo sannad ah kala jaray qaadashada daawada uu Sheekhu ugu talogalay in lagu dabiibo.
 
Sheekh Zandaani oo ka jawaabaya caddaymaha uu u hayo in uu dad ka dabiibay cudurkan dunida oo dhami daawada u weyday waxa uu yiri, “Waxa aan shahaado cad ka haystaa shaybaarada ciidamada badda ee Maraykanka ee lagu kalsoon yahay oo hay’adda caafimaadka adduunka iyo guud ahaan Qaramada midoobey qaataan natiijada ay soo saaraan, shahaadooyinkaas oo caddaynaya in aanu haba yaraato ee cudurka AIDS ku ku jirin dhiigga afartaa qof ee ka mid ahaa shaybaaradaa aan u diray” Isaga oo sheegay in dadkaasi markii hore qabeen cudurkan oo xaruntiisa lagu dabiibay inay markhaati ka ahayd wasaaradda caafimaadka ee dalka Yemen oo iyadu dirtay shaybaarkan.
 
Sheekha oo la weydiiyey bal in uu aqoonsi dunida uga raadiyey daawadiisan waxa uu sheegay in uu cilmi baadrs arrintan ku saabsan u diray hay’adda WIPO ee Qaramada midoobey, iyada oo ay hay’adduna guddi khubaro ah u saartay daraasaddaa iyo falanqaynteeda, isla markaana ay muddo 18 bilood ah cilmi-baaristaas ku faafinaysay degellada Internet ka ee caafimaadka ka fallooda ee dunida oo dhan. Waxa ay hay’addu muddadaaba naadinaysay in Sheekh Zandaani uu sameeyey cilmi baaristan uu ku helay daawo dhireed ka takhalusaysa cudurka AIDS ka, isla markaana uu doonayo in loo ogaado in uu isagu yahay kii curiyey, haddaba haddii ay jirto cid dood ka qabta ama iyaduna aaminsan in ay fikirkan lahayd ama mid la mid ah heshay ha u soo gudbiso hay’adda WIPO, lamina helin cid sheegata. Markaa kadib ayaa sida uu Sheekhu sheegay waxa ay hay’adda WIPO u gudbisay daraasaddiisan koox cilmi baarayaal takhasusa ah, kuwaas oo iyaguna muddo daraasaynayey, kadibna qiray in daawadani ay tahay mid lagu dabiibi karo AIDS-ka isla markaana ay warshadayn geli karto.
Daaweynta wadne xanuunka:
Sheekh Zandaani waxa uu sidoo kale sheegay in uu helay daawo lagu dabiibi karo wadne xanuunka keena in uu wadnuhu hawlgab noqdo, isaga oo sheegay in uu illaa hadda daweeyey toban xaaladood oo cudurkan ah, kadib markii uu dabiibayey muddo bil illaa laba bilood ah.
Sheekhu waxa uu sheegay in daawadiisu ay xataa qofka ka badbaadinayso habka hadda loo dabiibo cudurkan oo ah in qalniin lagu sameeyo.
Sheekh Abudulmajiid Zandaani oo dhashay sannadkii 1942-kii, waa sheekh daaci ah, siyaasi xisbi hoggaamiya iyo aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga sayniska iyo daraasaynta xiriirka ka dhexeeya Sayniska iyo Qur’aanka, laakiin Maraykanka waxa uu ugu jira liiska dadka uu argagaxisada ku tilmaamo waxa aanu ku eedaynayaa in uu xiriir dhow la lahaan jiray Usaama bin Laden. Zandaani waxa uu aasaasay jaamacadda Imaan ee dalka Yemen, isla markaana waa madaxa ururka Akhwaanul muslimiinta ee dalka Yemen 
Daawadan ayuu Sheekhu sheegay in ay ka kooban tahay noocyo dhirta ka mid ah oo mid kasta sidiisa loo tijaabiyey in uu dhibaato caafimaad keeni karo iyo in kale.
Hay’adda World intellectual Property Organization (WIPO) waxa ay ka mid tahay 17 hay’adood oo takhasus ah oo ay leedahay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa. Waxaa la aasaasay sannadkii 1967-kii si loo dhiirri geliyo hawla curinta iyo maskax miiridda aqoon yahanka dunida iyo dhowrsoonaanta fikirka iyo lahaanshiyaha ikhtiraaca oo loo aqoonsan yahay in ay ka mid tahay hantida gaarka ah ee qofka maskaxdiisa ka keenay.