Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

M/weyne Xasan Oo La Filaayey Inu Maanta Magacaabo R/wasaare Cusub Hsa ahaate Dib U Dhacday

Saturday - October 6, 2012

Muqdisho-Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaayey inuu maanta magacaabo raysalwasaaraha cusub ee soo dhisi doona xukuumadiisa, hasa ahaate war na soo gaaray iminka ayaa sheegaya in jornaalistayaashi goobta madaxtooyada joogay si lama filaan ah loo kala diray oo la yiri amar dambe ayaa jira ee kala taga, waxaasa la saadaalinaya in berito wax lagu dhawaaqi-doono
Madaxweynaha Somaliya, wakhtiga uu sharcigu u jideeyay inuu ku soo magacaabo Raysalwasaaraha waxa uga harsan saddex maalmood waxaanay ku eegtahay maalinta Salaasada ah, sidaas daraadeed waxa la filayaa inuu berito magacaabo raysalwasaaraha cusub.
Si rasmi ah looma garanayo shakhsiga uu xilkaas u magacaabi doono walow illa saaka inta badan ee shacabka mogodisho ay hadal hayaan ninka la yiraahdo Saacid Faarax oo ka soo jeeda beesha Sade