Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Cali Ciise Oo Ka Mida Aasaasayaasha Khatumo Oo Reer Yurub U Magacaabeen La Taliyaha Xasan Shiikh

Thursday - October 4, 2012

Midawga Yurub oo ka mid ah awoodaha dabada ka riixaya talada Somaliya loogu samaynayo Dawladd ay beesha Caalamku taageersan tahay ayaa Madaxweynaha Somaliya u magacaabay inuu La-taliye u noqdo Siyaasigii ka soo jeeda Maamulka Khaatumo ee lagaga dhawaaqay Taleex.
Cali Ciise Cabdi oo ah La-taliyaha EU-du u magacawday inuu la shaqeeyo ayaa ah aasaasiyaashi Maamulkii Khaatumo ee dhawaanta la sameeyey .. inkasta oo aanu jirin maamulkaasi xil uu ka qabtay, hadana waxa uu ahaa xiriiriyihii iyo Maskaxdii soo abaabushay.
Cali Ciise Cabi waa Aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaanu mar ka shaqayn jiray Baanka Adduunka, hase yeeshee iminka waxa uu degan yahay Dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka mid yahay Koox ku shaqaysata NGO ka shaqeeya hawlaha Nabadaynta Mandaqadda, kaasoo ay ku shuraakoobeen Aqoonyahano.
Cali Ciise Cabdi waxa lagu tilmaamaa in Saaxiibo badan leh, waxaana Axsaabtiisa la sheegaa inay ka mid yihiin masuuliyiin badan oo Somali xilal ka haay ama Talo ku leh, isla markaana waxa ay saaxiibo dhaw yihiin Cali Khaliif Galaydh o Xildhibaan ka ah Baarlamaanka Somaliya kaasoo waayay Tartankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo uu isku taagay.