Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Agaasimihi Qurba Jooga C/Qaadir Kamtiirey Oo Ka Hadlay Xiliga Cusub Ay Gashay S/liya Iyo Kaalinta ..

Wednesday - October 3, 2012

Xigasho Hiiraan - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.

Magaalada Muqdisho oo burbur culus ay gaarsiiyeen dagaallada dheeraa ee ka dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan u muuqata inay si tartiib ah uga soo kabanayso dhanka dhismaha, iyadoo ay dalka ka bilowdeen, dhismayaal xoog leh oo guryo aad u bilic qurxoon laga dhisayo caasimada.

Laga soo bilaabo ayraboorka ilaa iyo xaafadaha magaalada waxaad arkaysaa isbadalka socda oo laga dareemayo dhanka dhismayaasha in dalku uu galay marxalad cusub oo dhanka horumarka ah.

Dhismaha ugu badan waxaa wada dadka kasoo noqday qurbaha oo iyagu ah cududa dhaqaale ee dalka.

C/qaadir Axmed (Kamtiirey) oo ah agaasimaha waaxda qurbo joogta ee wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dib u dhiska dalka uu bilowday, balse looga baahanyahay qurbo-joogta inay sameeyaan dadaal intaa ka badan.
C/qaadir Axmed (Kamtiirey), Agaasimaha waaxda qurbo-joogta
“Dib u dhiska qurbo-joogtu waa mid qayb wayn ka qaadanaya , horumarka iyo xasilinta dalka,balse dadaal intaa ka badan ayaa loo baahanyahay, burburka dalka gaaray waa mid ballaaran oo aan maalin iyo labo looga soo kaban Karin” ayuu yiri C/qaadir.

“Waxaan dajinay mashruuc ballaaran oo lagula kulmayo qurbo-joogta ku nool dhammaan wadamada aduunka, kaasoo looga qayb-galinayo dib u dhiska dalka” ayuu sii raaciyay.

Marka laga soo tago doorka qurbo-joogta Waxaa jira ganacsato aan ka bixin gudaha dalka kuwaas oo iyaguna kaalin muuqata ka ciyaaraya hor-u-socodka dhaqaale ee wadanka.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog leh oo dhanka ganacsiga ah.