Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Shiikh oo Maanta Ku Wajahan Magalada Baladweyne

Tuesday - October 2, 2012

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiraan. Magaalada Beladweyna ayaa maanta waxa ay tahay mid bandoow ah waxaana aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo ay si aad ah u buuxiyeen ciidamado isugu jira kuwa AMISOM iyo sidoo kale kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ammaanka iska kaashanaya kuwaasi oo lagu dhex arkayo gudaha Magaalada.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lala hadalnay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saacadaha soo socdo kuwa wajahan yahay Magaalada Beladweyne. Magaalada Beladweyne ayaa dhawaan waxaa ka dhacay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeele ee mara Gobalkaasi halkaasi oo dad badan uu saameeyay fatahaadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay wuxuu safar ku tagay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Gobalkaasi iyo gaar ahaan qaar ka mida odayaasha bulshada ee reer Baydhabo