Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Firxadki Shabaabki Talada Xumaa Cagtana Cagta Loo Saaray Oo Iminka Si Naf La Caari Ah Ku Soo Gaar..

Monday - October 1, 2012

Mogadisho- Kisimaayo- Dagaalyahanada Kooxda Al-shabaab ayaa ku Waajahan xuduudaha wadamada nabdoon ee Geeska afrika si ay uga badbaadaan Ugaarsiga lagu hayo wakhtigan ay Baxsadka ku jiraan.
 
Xogo dheeraad ah oo laga helayo goobaha ay hada u kala yaaceen ayaa tibaaxaya deegaamo aanay ku sii waari Karin oo Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya ku yaala, kuwaasoo lagu soo waramayo inaanay ahayn meelo u noqon kara fariisimo difaaca ku wanaagsan oo ay wakhti ku sii negaan karaan.
Warar ilo Xog ogaal ah laga helaayo ayaa sheegaya in Hogaamiyaasha Shabaab iyo Al-Qaacida intoodii ugu badneed ee Kismaayo ka qaxay hada kusuganyihiin Magaalooyinka Jilib iyo Baraawe oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Dhaxe iyo Sh/Hoose halkaasna ay hada gabood kasii dhiganayaan inkasta oo weeraro ku waajahanyihiin.
 
Hogaamiyaal kale ayaa labadaasi Magaalo ka sii gudbay una baxay Dhinaca Magaalada Diinsoor oo iyana ka tirsan Gobolka Bay,qaar kale waxa ay gaareen Maalmihii ugu Dambeeyay Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud halka kuwa kalana ay ku suganyihiin goobo aan si rasmi ah loo xaqiijin, laakiinse aan hareyn Karin joogitaankooda.
 
Dagaalyahana iyo Hogaamiyaasha ugu badan ee ururka Al-Shabaab  ayaa la rumeesan yahay in ay ku suganyihiin Magaalada Baraawe halkaasoo la tilmaamayo in ay joogaan Hogaamiyaal ay ka mid yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys ,iyo Fu’aad Shangole.
Meel kasta oo ay joogaanba Al-Shabaab Ciidamadeeda  iyo Hogaamiyaashooda, waxa hada soo foodsaaray xaaladii ugu adkeed amni ka dib  Mudo sanado ah oo  ay si awood ah ku maamulayeen Gobolo badan Somaliya, dhibaatadan la soo deristay ayaa ah mid laba waji leh oo Dan u ah dib u soo celinta mustaqbalka Somaliya.
 
Laakiinse dhinaca kale marka layska taago, firxadka Kooxda Alshabaab wuxuu khatar amni iyo mid siyaasadeedba ku yahay wadamada Nabdoon ee geeska Afrika iyo waliba Dawlada cusub ee ka yagleelan muqdisho, kuwaasoo halis ugu jira inay dhuumasho ku gaalan Dagaalyahanada Fikirkoodu fogyahay ee al-shabaab ka dibna weeraro naf-la caaridnimo ku jirto ka fuliyaan ama qaab kale oo basaasnimo uga shaqeeyaan, si ay kuwooda isqarxinaya ugu fududeeyaan hawl-galadda.
Dagaalyahano badan oo kooxdasi ka tirsanaan jiray ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay isa soo dhiibay, iyagoo ka faa’idaysanaya cafiska ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya Agoosto 2011-kii, laakiinse wali lama aamini karo kuwa soo goostay ee dawlada isu soo dhiibay, sida uu sheegayo Cabdilaahi Guure oo ah Sarkaal ka tirsanaan jiray Sirdoonka Somaliya oo Hawl-gab ah  “Dawladdu waa inay si qoto dheer oo taxadar leh ula macaamishaa xaaladdan maxaa yeelay kuwa ka soo goostay al-Shabaab waa seef laba af leh, lamana aamini karo,” ayuu yiri, waxaanu intaasi ku daray “Qaar ka mid ah kuwan soo baxsaday waxa ay noqon karaan sir doon qarinaya daacadnimadooda dhaq dhaqaaqa al-Shabaab, Waxaanay rabi karaan in ay dhaq dhaqaaqa u qishaan xog, taaktiik iyo qorshayaasha hay’adaha ammaanka ee dowladda”.
Muran kama joogo in awoodii Ciidan iyo dhaqaale Ururka Al-shabaab wiiqmay, waxaana taasi ka markhaati kacaya qof kasta oo Somali ah, laakiinse waxa isha lagu hayaa halka ay mar kale awoodoodu ka soo muuqan doonto, iyadoo laga taxadir badan laga muujinayo weeraro ay fuliyaan “Al-shabaab awood ciidan oo wax iska difaaci karto ma laha imika, waayo dhaqaale ahaan iyo awood ahaan hoos ayay u dhaceen. Balse waxaa dhici karta inay sameeyaan isku-dayo ay ka mid yihiin inay ismiidaamin sameeyaan,”, sidaasi waxa yiri  Kaaliyaha xoghaya arrimaha Dibada Mareykanka u qaabilsan Afrika John Carson Warbaahinta kula hadlay Washington.