Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Madaxweyne Xasan Oo La Male-Awaalayo Inu Berito Magacaabi-doono Raiisal Wasaare Cusub .. Waase Kuma

Tuesday - October 2, 2012

Mogdisho- Maalmahaan waxaa si xawli ah u si badanaaya Wararka tuhunka leh ee lagu saadaalinaayo ninka lagu eegaayo indhaha Qoratada oo Madaxweyne Xasan Shiikh rabo inu u magacaabo raiisal wasaaraha Somaaliya .. Shacabka mogadishow oo sida caadada ah kala dareen iyo kala aragti kala gadisan leh midba si ayuu wax u sheegaya una fasirayaa walow ay jiraan kuwa meel kalia u cadahay oo dantoodu un tahay in danahooda wax lagu jeheeyo

Wararka blaa balahda ee inta badan dadkaas ka soo xuuraameen Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaaliya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda oo loo badinaayo ayaamaha khamiista amase Jimcaha midkood u madaxweynaha magacaabi-doono ninka uu markaan u xushay Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, waxaana hadal haynta bulshada ku taxan Bakaaraha iyo kuwa makhaayadaha Yoobsanka taagtaagan afka u badinayaan in la magacaabi-doono Maxamed Farmaajo oo inta badan loo haysto inu maamulkiisi jiri jiray si gaara waqtigaas guul karaamo leh mogadisho u horseeday, hasa ahaate dadyoow miisaan ku leh masraxa siyaasada iyo siyaasiiyiin Afku seef-layaal ah oo inta badan ka agdhaw hawl-wadeenada Villa Somaaliya ayaa aaminsan in Xasan Shiikh usan marna u magacaabi-doonin Raiisal Wasaare Ninka la yiraahdo Farmaajo ma daama la taliyaasha madaxweyne Xasan shiikh sida la qabo ay shaki iyo cabsi ka qabaan in mustaqbalka Xasan iyo farmaajo midiyo isu xabaalaan oo halkaas ay ka dhacdo qarax siyaasadeed iyo is-maandhaaf ku qotama qiiro maseeyr aan nin fariid ah ka suuroobin oo halkaas miisaankii madaxweynaha siyaasiyan u meesha ka baxo dabadeedna ay saameyso doorashada afarta sano ee soo socota.

Laakiin kuwa kale oo iyagana gad-gadoonka waayaha gaar u falaanqeeya xog ogaalna iska dhiga laakiin jaaho wareerka dadka ka qayb qaata ayaa dhinacooda qaba in madaxweynaha u isticmaali-doono xirfado baas iyo ujeedo xeel dheer oo u rabo inu guul mustaqbal ku kufsado, waxaana sura-gala inu si maqaar saara ku meel gaara u magacaabo wiilka ay ku tilmaameen in faankiisa la hayn waayey ee Farmaajo isagoo waa Xasan Shiikhe isu muujinaaya inu qaatay codki shacabka ay ku doonayeen magacaabida maquuste Maxamed Farmmajo hasa ahaate hindisihiisu yahay muddo laba sano gudahood uga takhaluso iyo mudada u xilka hayo loo farsameeyo godkii siyaasadeed ee u ku dhici-lahaa oo halkaas waa sida ay yiraahdeene hanka xumida ee Farmaajo u ku doonaayo inu noqdo mustaqbalka madaxweyne shacbi ku beenoodo iyadoo la doonaayo in hadafka mustaqbal doorashada dambe ee damaca madaxweyne Xasan shiikh usan yoolka qorshaha loo si dhigaayo hoos u dhicin.

Arintu si kastaba ha ahaate haddi warka la soo duuduubo waxay ubucdu noqoneysa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo kooxdiisa wax is fahamsiiyeen waxna la iska dhaadhiciyey oo sidaa iyo sida la soo xansaday madaxweyne Xasan Shiikh iyo la taliyaashiisa kalmada carabkooda dhaafeyn waxay tahay in rooga cas loo dhigo wiil ka soo jeeda Harti Amase Beesha Leelkase, hasa ahaate aysan garaneyn sida ay uga talaabsan-karaan odayaasha garcasta beesha hawiye ee harka u ah nabada Mogdisho uuna horkacayey Ugaaska Murarsade oo taladoodi afka ka dhawrsaday in jagadaas la siiyo Reer Puntland amase doc looga beyro reerka harti daarood oo hayey xilki raiisal wasaarihi ugu dambeeyey ..  sida daraadeed koleyba ninkasta wixii alle u qoray waa la kulansiin, laakiin sida ku cad tashiga iyo talada tolka hawiye ee sida warka taraawixda maalin walba la kortaagan Xasan Shiikh bey sheekada ku socota oo waxaa la magacaabi-doona nin aan ka soo jeedin Puntland, waxaana hadda sida saadaashi ugu dambeysey tilmaameysa in si mudo kooban loo magacaabo maquuste Maxamed Farmaajo ama Ninka la yiraahdo waa sida ay sheegayaane mudane Saacid Faarax Garaad ganacsade ka ah dalka Kenya,oo waayo- aragnimadiisa siyaasadeed iyo kartidisa yar awgeed ay dhici-karto in si fudud loo karantiili karo .. koleyba waxaa la odorosaya in la taliyaasha Xasan Shiikh ay baadi-goobayaan mid xuub-caaro ah iska manaafacsada oo aysan saluugin sida u amarka Oday Xasan u qaadanaayo