Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Cusub, Ahna Shiikh Shariif Sodogiis Oo Mog. Lagu Dilay

Sunday - September 23, 2012

Muqdisho-  Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo lagu magacaabi jiray Mustafe Xaaji Macalin ayaa maqribnimadii caawa lagu toogtay hoygiisa oo ku yaala degmada waaberi ee gobolka Banaadir wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajidka oo uu ku soo tukaday salaadii maqrib.
Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxo bastoolado ku hubeysan ay weerar ku soo qaadeen isagoo ku sugan afaafka hore ee hoygiisa oo ku yaala agagaarka masaajidka Cali Boolaay oo ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir iyagoo rasaas xoog badana ku furay..
“Afar nin oo hubeysan ayaa rasaas ku kulmiyey xaaju Mustafe, isagoo dhinac jooga hoygiisa oo ku yaala masaajidka Cali Boolaay agtiisa, waxayna ku rideen rasaas fara badan oo ay ku wadeen illaa dhulka uu ka dhacay isbitaalka ayaa loola cararay inkastoo markii la qaadayeyba uu meyd ahaa” sidaas waxaa yiri goob jooge ka mid ah dadka degaanka.
Xaaji Mustaf Xaaji Macalin oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee dhowaan la dhaariyey ayaa isla goobtaas ku geeriyooday, iyadoo kooxihii dilka geystay ayka baxsadeen goobtaas markii ay weerarkaas fuliyeen, wuxuuna sidoo kale ahaa marxuumka la dilay aabaha dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynihii xilka ka degay ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Xaalada goobta uu dilku ka dhacay ayaa cakiran waxaana soo buuxiyey ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo xaafada waaberi ka wada howlgalo baaritaan ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaas geystay, waxaana joogsaday socodka dadweynaha degan nawaaxiga xaafada uu dilku ku dhacay.
Sidoo kale hoyga xildhibaanka la dilay ayaa waxaa soo buuxiyey dad kala duwan oo isugu jira ehelada xildhibaanka oo ahaa nin da’ ah oo si weyn looga yaqaano xaafada Waaberi, isagoo masaajid Cali Boolaay agtiisa ku lahaa goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin warshad baraf iyo Foorno lagu dubo rootiga iyo guryo waaweyn oo qaarkood dhowaan hab casri ah loo dhisay.
Xaaji Mustaf Xaaji Macalin ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyey ee laga dilo baarlamanka cusub ee Somalia, waxaana dilkiisu uu ku soo aadayaa xili amaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo isla markaana maalmihii ugu dambeeyey ay ku soo bateen qaraxyo dad badan ay ku hoobteen iyo dilal loo geysanayo dadka magaca ku leh bulshada sida weriyeyaasha.