Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Sawir-Kartoono Lagu Aflagaadeyey Nabigeena Suuban Oo Cabsi Iyo Argagax Ku Abuuray Dawlada Faransiisk

Saturday - September 22, 2012

Farasiiska oo baqdim darteed u xiraya 20 safaaradood uu ku leeyahay dalalka Carabta + walaaca laga qabo kacdoonno ka yimaad muslimiinta Faransiiska iyo kuwa caalamka

Paris (Al-jazeera)- Dawladda Faransiiska, ayaa cabsi iyo argagax xooggan ka qaaday sawir-kartoonno lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKHA) oo shalay lagu daabacay wargeys ka soo baxa dalkaas, waxaanay xukuumadda Paris ku dhawaaqday inay xirasyo in ka badan 20 xarumood oo isugu jira safaarado, qunsuliyado, dugsiyo iyo goobo dhaqan oo Faransiiku ku leeyahay waddamada Carabta.

Sawirrada aflagaadada iyo gefka ku ahaa Nebigeenna suubban (NNKHA), waxa baahiyey wargays la yiraahdo Charlie Hebdo oo ka soo baxa Faransiiska, kuwaas oo muujinaya waxyaabo anshax xumo iyo cay ku ah Nebi Muxumed (NNKHA) oo ka mid yihiin sawirro qaaqaawan, si bareer ahna loogu dhejiyey bogga hore ee wargeyskaas.

Haseyeeshee, dawladda Faransiiska oo ah waddanka ugu muslimiinta badan dalalka qaaradda Yurub, ayaa sawirradaas cabsi xooggan ka qaaday, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ku dhawaaqday inay xirayso Jimcaha berri safaarado iyo xarumo ay ku leeyihiin in ka badan 20 waddan oo islaamka ah, kuwaasoo ka cabsi qaba in salaadda Jimcaha kadib ay ka dhacaan mudaharaado ka dhan ah danaha Faransiiska.

Waxa kaloo dawladda Faransiisku ka walaacsan tahay in safaaradaheeda iyo shaqaalahoodaba waxyeello loo geysto, kadib markii filimka ninka Maraykanka ah ku aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKHA) uu galaaftay nolosha safiirkii Washington ee Liibiya iyo safaarado badan oo Maraykanku ku leeyahay dalalka islaamka, iyadoo sidoo kale xukuumadda Paris cabsi weyn ka qabto kacdoonno kaga yimaad muslimiinta ku dhaqan dalkeeda oo lagu qiyaasay ilaa lix milyan oo qof.

“Waxaannu dhab ahaantii go’aansannay inaannu si ku-meelgaadh ahaan difaac ahaan u xidhno dhismayaasha safaaradahayaga, qunsuliyadaha, xarumaha dhaqanka iyo dugsiyada dalalka Carabta,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, isagoo Wasiirka Khaarajiga ee Faransiiska Mr. Laurent Fabius uu isna sheegay inuu amrayo in la qaado tallaabooyin amniga lagu sugayo.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Faransiiska iyo hoggaamiyeyaasha diinta ee dalkaas, ayaa bulshada muslimiinta ah ku dhaqan waddankaas ka codsaday inay is xakameeyaan oo aanay ku dhaqaaqin tallaabooyin lagu dhaawacayo amniga guud iyo xasilloonida, isagoo Ra’iisal-wasaaraha Faransiiskuna baqdin iyo walaac ballaadhan ka muujiyey in muslimiinta cadhaysan maxkamadda u gudbiyaan dacwado ku saabsan in la laayo cid kastoo caaqiidadooda waxyeello u geysata.

Ciidammada bilayska Faransiiska ayaa iyagu isku hareereeyey dhismaha xafiiska wargeyskaas oo ay leeyihiin koox garabka midig ah oo sannadkii hore lala beegsaday bambo, kadib markii ay daabaceen qoraal lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKHA).

Dhinaca kale, hoggaamiyaha bulshada muslimka ah ee dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in la is dejiyo, Jimcahana la isaga yimaad arrintaas wixii laga yeeli lahaa, isagoo si ba’an u dhaleeceeyey wargeyska xadgudubka sameeyey, isla markaana aflagaadeeyey diinta Islaamka. Waxa kale oo muslimiinta dalkaasi dalbadeen inay maalinta Sabtida sameeyaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo sawirrada lagu caayey Nebi Muxamed (NNKHA).