Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Waxaa Si lama filaan Ah U Geeriyoodi Allaha Ha U Naxariiste Digtoor Maxamed ilka-Dahab

Friday - September 21, 2012

Naf waliba maalinti ajasheedu dhamaato ayaa xag alle looga yeera, waxaa si lama filaan ah ugu geeriyooday dalka Bulgaariya caasimada Sofiya Digtoor Maxamed Xuseen ilka-Dahab sidaa daraadeed qadarka dhacay iyo xaqa mawdka so galay awgeed Anagoo Ah Bahda Goldogob Times Waxaan tacsi marka ugu horeysa aan hawada u marineynaa Qoyskii, Qaraabadi eheladi iyo sokeeyihi aan isku tirineynay inaan ka mid ahayn ee Digtoor Maxamed ilka-dahab u ka baxay, waxaan alaha weyn uga baryeynaa inuu naxariistiisa siiyo God neecaawo-qaba oo haddana jano fardoowsa ka waraabiyo.

Digtoor ilka-dahab oo waxbarashadiisi jaamacadeed ku dhameystay dalka Bulgaariya sida aan ka warqabnana waxuu waqtigii u dhallinyarada ahaa ka soo hawl-galay cilmiga daaweynta indhaha oo u ka gaaray heerka ugu sareeya siiba dhinaca qaliinka indhaha, waxuuna isla markaa qayb ka ahaa gudiyo caalami ah oo u xilsaaran barnaamijyada lagula dagaalamo indho la'aanta, hasa ahaate zamankiisi dambe waxuu ka mid ahaa siyaasiyiinti ka qayb qaadatay duufaanadi iyo duruufihi siyaasadeed ee dalka ka tagnaa oo u maslaxada dalka wax ka raadinaayey isagoo lagu xasuusto doorkii weynaa ee u ku lahaa halganki nabadeynta u si cad ugu bareeri jiray iyo xumaha inaan lagu gargaarin sama-taliye daalin ah si aan bulshada loo marin habaabin .. dabadeedna xiligi carta- Jabuuti lagu soo dhisay xukumadi Cabdi-Qaasim u ka noqday danjiraha somaaliya u fadhiya dalkaas Liibiya, waxaana xusid mudan inu ka mid ahaa xildhibaanadi barlaamaanki hore ee dhawaanta xilkoodi dhamaaday

Waxaa halkaan dhambaal Tacsi si toosa ka diraya isirka horjooga-yaasha Tolka ka midka ah ee jooga mogdisho oo si gaara ka tacsiyeynaya geerida lama filaanka ah ee ku soo hamaansatay walaalka marxuum Maxamed Xuseen ilka-dahab oo ay alla uga tuugayaan in geedka Janada har uga dhigo:

-Xildhibaan Cali maxamed Axmed ilka dheere( Cali Ameerika) 

-Aqoon-yahan Cabduqaadir Kam Kamtiirey

- Aqoon-yahan Cabduqaadir Shiikh Ismaciil

- General Bashir Saciid Cadaawe ( Bashiir Jaqaf)

- Kaptan Maxamed Xiish Tuni